Itoobiya oo Xabsiyada kasii Daysay 4000 oo Maxbiis

Dowladda Ethiopia ayaa siideysay in kabadan 4,000 oo maxaabiis ah si ay uga hortagaan faafida coronavirus ee xabsiyada dadku ku badanyihiin, warbaahinta dowlada ayaa werisay.

 

Dhinaca kale, dowladda Ethiopia ayaa ku amartay shaqaalaha wadanka in ay kusugnaadaan guryahooda taas oo qeyb ka ah dadaalada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka.

 

Kulan aan caadi ahayn oo dhacay Talaadadii shalay, golaha wasiirradu waxay ku meel mariyeen go’aanka ah in shaqaalaha dawladda ay ku shaqeyn doonaan guryahooda laga bilaabo Maarso 25, 2020, illaa ogeysiis dambe.

 

 

Itoobiya waxay xaqiijisay hal kiis oo kale oo ah coronavirus (COVID-19), taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dadka cudurkaasi ku dhacay 12 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker