6 Milyan oo Maaskarada Afka lagu Xidho ah oo Lagu Xaday Garoonka Jooma Kenyatta ee Nairobi

Dawlada Jarmalka ayaa Baadigoobaysa Lix million oo Maasgarada afka lagu xidho ah oo Loo waday Hawlgadeenada Caafimaadka Kenya, lana waayay markii ay soo gaadheen Gagida Diyaarada Nairobi.

 

 

Wargayska Der Spiegel ee ka soo baxa Jarmalka ayaa Qoray in shixnadan ay Jarmalka ka soo baxday 20-kii March balse la waayay meel ay ku dambaysay Todobaadkan dabayaaqadiisii.

 

“Masuuliyiintu waxa ay isku dayayaan in ay ogaadaan waxa dhacay iyo meesha ay shixnadani ku luntay” ayay tidhi Haweenay u hadashay Wasaarada Gaashaandhiga ee Jarmalka.

 

Dhinaca kale Masuuliyiinta Caafimaadka ee Kenya ayaan ka jawaabin Arintan, halka ay Saraakiisha Garoonka Diyaaradaha Kenya ka sheegeen in dhacdadan dabagal lagu samaynayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker