TAAGGII ABAAROW IYO XAAJI AADAN AXMED AFQALOOC. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

Gabaygan wuxu kamid yahay suugaanta xaajiga ee dahab masaalkiiya, waa dhaxal aan duugoobin, waa keyd soomali u dooran, waa wadaniyad aan la hilmaami Karin, intaa iyo kabadanba way ahayd suugaanta xaajigu.

Gabaygan wuxu xaajigu tirshay isagoo da’ weynaaday isagoo mudo dheer waayo kala gedisan dunida ugu soo noolaa, isagoo ahaa waayo-arag geed joog ah, afmaal murti dhaadhi ah, wuxu xaajigu noolaa dunida guudkeedana joogay mudo qarni iyo badh ku dhow. Xaajigu waxaa u ahaa nin dhawr jiil la soo noolaaday oo cimrigiisu raagey, waxana la odhan karaa meel kasta oo uu joogaba, waxa uu noqonayey ninka ugu da’da weyn dadka ay mar walba wada joogaan.
Hadaba waxa jira waxyaabo rasuulkeena muxamed n.n.k.h inoo sheegay kuwaas oo eebe weyne aadmiga cimriga ugu dheereeyo oo ay kamid tahay camalka suuban ee cibaadada oo qofku had iyo jeer ku suntanaado, sadaqada oo la bixiyo, xigtada iyo ehelka oo la xidhiidhiyo iyo kuwo badan oo kale.

Maxamuud jaamac waal “maxamuud daalin” wuxu ahaa nin sida xaaji aadan noolaa mudo qarni iyo badh ku dhow waxa jeer la waydiiyey sababta uu isagu had iyo jeer aanu waxba u ilaabin ee uu u yahay qof xusuustii aanay guurin, maxamuud daalin ayaa kobtaa ka tiriyey gabay uu dadkii su’aashaa weydiiyey ugu jawaab celinayo waxyaabaha fiican ee uu had iyo jeer ku foogan yahay taas oo sababtay in cimriga eebe weyne u barakeeyo sidoo kalena maskax furan ugu deeqo.

Maxamud daalin ararta gabayga ayuu isku tilmaamay inu yahay nin run badani uurkiisa ka buuxdo oo aa aqoon beenta iyo khiyaanada, wuxu sidoo kale isku tilmaamay nin u taagan oogida salaadaha eebe sunne iyo faralba, markale wuxu isku tilmaamay nin dadka heshiisiiya oo dad mudo col ahaa oo raali kala waayey u garnaqay welibana iyagoo isku faraxsan ka tegay, wuxu sidoo kale isku tilmaamay nin run iyo beenba arkay oo weliba beenta raadgooyey,nin waayo-arag ah oo waqtiyo kala gedisan noolaa ayuu markana isku tilmaamayaa, nin u soo joogay abaar daran oo diirato ah, iyo aaran lagu naalooday, wuxu sidoo kale isku tilmaamayaa inu yahay nin mudo dheer dunida joogay oo kasoo dagaal galay dagaaladii daraawiishta qaar kamid ah sida dagaalkii beerdhiga oo ka dhacay meesha xodayo la yidhaahdo ee gaalkacayo waqooyi kaga beegan dagaalkaas oo dhacay 6/10/1902 waxaana kobtaa ku guulaystay daraawiish, sidoo kale maxamuud daalin wuxu magac dhabayaa dagaalo kale oo uu ka qayb galay sida dagaalkii ruuga, jidbaale iyo ragcad oo dhamaantood ahaa dagaaladii u dhexeeyey daraawiish iyo gumaystayaashii geyiga soomalida joogay, gabogabada gabayga ayuu daalin isku tilmaamayaa inu yahay nin raa’ib ah oo eebe weyne aqoon cilmi, waayo aragnimo intaba ku shubay waxaanu dadka ka codsanayaa inay xikmadihiisa miida ah wax ka qoraal si uu keydka u galo waxaanu yidhi:

Rikoodh baa calooshayda yaal runi ka buuxdaaye
Riyo iyo manaam baan hurdada reemay keligaye
Rakcadiina waan wada tukaday taatibta ahaaye
Hadaan ragiyo naago u garnaqay raali kala waayey
Oon ruux dhintiyo kaa fadhiya raashin wada siiyey
Oon raxan dhurwaa iyo dacawo wada rasaaseeyey
Oon ray caleenliyo abaar reerka wada daajey
Oon run iyo been soo arkoo weliba raad gooyey
Oon raqayo raawila noqdiyo raqab la sheekaystay
Oon risaala caydha noqdoo raaxo daba joogtay
Oon ramag irmaan iyo horweyn raas ka wada ooday
Aan guuto niman soo rogtiyo raacdo daba joogey
Hadii qolo intii aan la riday qolana riixaayey
Ruuga iyo jidbaale iyo hadaan rigcad soo joogay
Oo raranka beerdhiga cagaag ruugaga I diirey
Oo aan ilkacad roorayey oo ridayey maadhiinka
Allow yaa riwaayad iga qora raa’ib baan ahaye.

Xaaji aadan axamed afqalooc wuxu isna ahaa nin mudo dheer dunida u soo joogay, nin weyn oo waxgarad ah, waaya-aragnimadu u dheertahay, dalmar ah oo dunida dacaladeeda kasoo waramay, waxa laga quuddarreeyaa waa waano, talo, hogatus iyo digniin ku saabsan nolosha iyo wacaalaheeda. Xaajigu gabaygan wuxu tiriyey taariikhdu markii ay maraysay 1968 wuxu kamid ahaa suugaantii xaajiga ee xiligaa waa xiliyadii gabayada xaajigu maraqa ka furey ee umada iyo wax u sheegeeda u banbaxay, waa xiliyadii dawladii curatay lagala kulmay eex, qaraabokiil nin tooxsi iyo facilo aan la jeclaysan, waana xilliyadii quusta iyo hungada qaawan dib looga liqay himilooyinkii iyo rajadii dadku ka naawilayeen gobannimadii la helay 1960, tabashooyinka dhaliilaha iyo is-diiddooyinka siyaasadeed iyo kuwa dhaqaalena ee dalku ay cirka isku sii shareereen.

Sidii aftahamada xaajiga looga bartay gabaygani wuxu kamid yahay kuwa uu xaajigu u adeegsaday noockasta oo farshaxana, humaagyo badan ayuu xaajigu u adeegsaday soo tebinta xaaladii waagaa jirtey waxa muush iyo daf ka ah sarbeebo wada duur-xul ah oo si geedaysan u soo gudbinaya xaaladihii dalku ku sugnaa ee foosha xumaa, gaar ahaan indho beelkii iyo aafooyinkii ku yuurursaday habsami u socodkii hawlihii maamulkii dawladnimo ee dalka. Ararta gabayga ayuu xaajigu ku tilmaamay dawladnimadii la helay taag “meel dhulka kor uga saraysa” abaaroobay, meel dhirtii kawada bidey oo geedo teel-teel ahi ku hadheen, kob abaarsatay oo tukihii ka duuley xuunshadiina timid, meel dadkii istaageeri jirey maanta kala tageen isagoo sabab uga dhigay madaxdii waayadaa la doortey ee hogaanka umada u ahayd, abwaanku wuxu ku tilmaamay dhamaan madaxdii waayadaa tusaale kasta oo liidnimo ah sida maskii awoodi kari waayey inu godkiisii galo, telefoonkii taarka iyo warka kusoo dhaca qabankari waayey, tirigii oo isaguna wax iftiina laga waayey, miishaartii afka beeshay ee iyaduna waxba goyn weyday, taangigii biyaha ee umadu ka cabaysay oo hadana tuunbadii xidhantahay oon iyo haraadna loogu dhamaaday intaa iyo ka badanba xaajiga ayaa gabayga inoogu soo banbixiyey wuxu yidhi:

Taaggii abaarow halkii tukhayda weyneyde
Teelteel cad baa labada gees taaganoo hadhaye
Tukihii markuu duulay bay xuunshadii timiye
Afartii is-taageeri jirey kala-tag weeyaane
Maskii inuu godkiisi taguu taawadeed gabaye
Telefoonku qaban waa warkiyo taar ku soo dhaca’e
Tiriigyadu iftiin ma lahoo waa tuhun dhaqaaqiiye
Taangiga qasabaddii biyaha tuunbadaa xidhane
Isku tolantay ugaadhii midhaa loo tigmayn jiraye
Tin ma goyso miinshaartu oo taagaggaa maqane
Turjumaannadii baa jilciyo tebiyahoodiiye
Tawef noqotay saantii markay tuurtay negidiiye
Ugaxdii waxay tari jirtiyo waydey tamartiiye
Tidicaa debcoo waayirkaan tuna adkaynayne
Intaasoo tabaala ahina waa tegista soo dhoowe
Waa wada tanbiih iyo digniin lagu tusaayaaye
Tan kalaad ujeeddaana waa meel turxaan badane
Tub dheeriyo dariiq halisa oo tacaba weeyaane
Tabantaabo iyo saad ma laha iyo toliyo qaadhaane
Waa guri xisaab kugu tagtiyo godobi kuu taalle
Tawfiiq Ilaah leeyihiyo taladii mooyaane
Wallee taad naf yahay geysataad tuugi madhaxeede.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker