Sheeko: Korona fayras iyo Kadeedkii Lammaanaha Wuuhaan Qaybtii 4aad

Habeen oo dhan waxa aan eegayaa in uu soo dhaco tilifoon gacmeedkaygu, waxa aan furaa Whatsapp-kayga balse wax farriimo ahi iima yaalaan, maalintii hadalkeeda iigu danbaysay, aniga oo aan ka bogan ayaa uu ka go’ay khadku; ilaa wali oo aan ka joogo 10 cisho kama hayo wax war ah; meel aan ugu hagaagana ma garanayo!
Jacaylka iyo kalsoonida dhexdayada taalaa waa mid aanay masixi karin waayaha noloshu, waxa aan u rajaynayaa in aanu kulmi doono anaga oo caafimaad qabna maalin uun oo aanu wada aqal gali doono, si aanu iskaga dugsano waayaha nolosha oo aanu isku kaashano ”
Kuwani waa ereyo uu Li naftiisa kula shawrayay, waqti uu aad u murugaysan yahay, waxa iskugu danbaysay muddo 10 cisho ah oo aanu war iyo wacaal ka helin, balse xaqiiqnimada jacaylkooda ayaa keenay in uu rafaad kasta u maro xaqiijinta in uu guursado Zhang.
Waxa dilaacay, xanuunkii karoonaha oo dabayaaqadii bishii 12aad ee sannadkii 2019 ku habsaday Magaalada Wuhan, magaalada waxa ka jira ba
Waa 10-kii Jeenuwari, waqtigu waa 6:30 subaxnimo, Li waxa uu u diyaar garoobayaa in uu tago shaqadiisii oo ah farsamo yaqaanimo, waxa uu ka shaqeeyaa shirkad dhista guryaha. isaga oo labisanaya qalbigana aad uga daalan balse ku rejada uu qabaa ay tahay in ay mar uun soo wici doonto Zhang ayaa waxa si kedis ah u soo dhacay tilifoon gacmeedkiisii mise waa Zhang!
– Zhan soo dhawoow gacalisadaydiiyeey (aad ayaa uu ooyay)
– Li aamus (oohin ayaa ay bilowday) wax badan ayaa kaa danbeeyey, ayeeyo ayaa aad u xanuusatay oo ugu danbayn dhimatay 5 cisho ka hor! Waxa aan maray nolol aad u qalafsan oo ah badwayntii dhibaatooyinka, maan garanayn meel uu yaalo tilifoonkaygu, waxa iga tan batay jahawareerkii nolosha, aniga laftigayga ayaa xanuusaday nafsiyan, ayeeyo oo aan ku fikirayay inaan la soo qaato waqti farxadeed ayaa aan dhimashadeedii markhaati ka noqday oo dhabtayda ayaa ay naftu kaga baxday! Li waad dareemi karaysaa dhimashada iyo xanuunka ay leedahay qof aad jeceshahay oo waalidkaa ah! Warka farxadda leh ee aan kuu sheegayo ayaa ah in aan soo baxayo saaka oo aan ku soo gaadhayaba duhurka, Wuhana-na kula joogo 12 duhurnimaba! Magaaladii xanuunka ka dilaacay waan maqlay waxaan la sheegayaa in magaalada laga dhigayo bandoo oo la xayirayo in ay wax ka baxaan waxna soo galaan, waanan ka soo gaadhayaa. Halka aad joogto ayaa macno u samaynaysa noloshayda oo farxad ii ah, inaan wada jirnaan diyaar u ahay gacaliye
– Ma rumaysan karto maskaxdaydan yar iyo qalbigaygan uu ku taagsaday jacaylkaagu in aad adigii ila hadlayso, boholyowga jacaylkaaga ayaa aan la dhiman lahaa haddii aan dhiman lahaaba, Zhang maxaa ka xun qof aad noloshaada u hibaysay oo aad ku faraxsan tahay in uu si kedis ah kaaga dheeraado oo duruufaha noloshu idin kala fogeeyaan, mar kaliyana waydo muuqiisii iyo codkiisiiba. Waxa aan gaadhay heer aan waxba qaban kari waayo intii aad iga maqnayd, ruuxdaad u ahayd shiidaal, indhahaad u ahayd farxad, qalbigaanad ugu jirtay halka ilmaha hooyadii ugu jirto!
– Macaankaygiiyoow, waan kuu imanayaa; arooskeeniina caawa ayaa aynu ka wada tashanaynaa, ugu danbayn caqabadihii waynagaas soo dhaafnay, dibna waynu u midoobaynaa; niyada daji oo wanaag u sheeg gacaliye.
– Hawraarsan qaalidaydiiyeey, immikaba culays wayn baa iga dagay, saaka si fiican ayaan u shaqayn karayaa, firfirficooni baad i galisay rejadaydiiyeey!
– Haye gacaliye, diyaar garow, aniguna immika ayaan diyaar garoobayaa waa inoo hadhoow markaan soo galo magaalada.
– Haye farxadaydiiyeey, nabad iigu soo laabo! Waan ku jeclahay Zhang
– Anba waan ku jeclahay Li, ii nabad ahoow qaaligaygiiyoow!
Farxad ka weyn baryahan muu arag Li, waxa uu labistay isaga oo boodboodaya farxad darteed kolba kadinka ayaa uu ka soo laabtaa isaga oo illoobaya shay uu qaadan lahaa, heerkiisa niyad wanaag iyo firfircooni halka ay gaadhay!
Duhurkii ayaa uu ka soo laabtay shaqadii Li, waxa aanu wacay Zhang; waxa aanay u sheegtay in timid oo ay hadda yar qaadanayso nasasho; hurdo yarna seexanayso. Waxa ay ku balameen in ay caawa 7:00 fiidnimo kulmaan, walaw magaalada cudur ka jiro oo cabsi badani dadkii hadhaysay, meherado badana la xidhay waxa ay ku balameen goob caways oo furnayd isla habeenimadaas.
Waxa ay gaadhay waqtigii ballanta, Li iyo Zhang muddo ka dib waxa ay isku arkeen si toos ah, waanay isa soo hor fadhiisteen iyaga oo uu ka muuqdo isku boholyoow iyo jacayl mugweyn!
– Li geesigaygiiyoow aad baad u qurux badatay intii aan kaa maqnaa, waan ku faraxsanahay in aan ku arko; mar kale inaga oo caafimaad qabna oo aynu kulanno; waayo badan ka dib!
– Zhang ma ogid sida aan u tabay garab istaagaagii (…uhuhuhuhu) iyo ka warhayntaadii, waxa aad ii ahayd wax walba oo wanaagsan, (…uhuhuhuhu) ma garan karo kalmado aan kuugu cabbiro heerkayga farxadeed iyo sida qalbigu ugu qushuucsan yahay wanaaga aad u muujisay indhuhuna ugu farxeen aragtidaada
– Qaaligaygiiyoow maxaa kugu dhacay aad ayaa aad u qufcaysaa mise duri ayaa ku haya xiitaa indhihii ayaa ku casaaday wajigaagiina wuu is beddelay, (gacanteeda ayaa ay madaxa ka saartay) qandho daran ayaa ku haysa gacaliye inamari gurigii aan ku geeyee
– Ila hadal horta qaalidaydiiyeey, waxa aan rabaa in aynu ku ballano waqtiga ay tahay inaan is guursano!
– Bisha 20-keeda ka warran gacaliye?
– Waa sida aan u qorsheeyey (…uhuhuhuhu) midna ogoow, wax walba waan inoo diyaariyay; kaliya aqbalkaaga ayaa aan rabaa Zhang
– Waan ku aqbalay gacaliye, wadajirkeennaa macno ii samaynaya
– Haye ma tagnaa xoog ayaa la iigu kordhaye?
– Haa gacaliye inamari aan ku sii qaadee!

Zhang waxa ay ku qaaday Li gaadhigeedii, waxa ayna gaysay gurigii uu degganaa, muddo yar ka dibna waa ay ka timid markii ay hubisay in ay ka yaraatay qandhadii.

La soco qaybaha danbe!

Fadlan la wadaag Asxaabtaada si aanay u dhaafin sheekadani ama ku mention-garee. mahadsanid.

 

 

Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker