Madasha Xisbiyada Mucaaridka Somalia oo Bayaan kasoo Saaray Handadaada Xukuumadu ku Hayso Sh Shariif

Muqdisho (OWN) – Madasha ay ku Bahoobeen Axsaabta Siyaasadda Somalia oo ah Xisbiyo Mucaarada ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in la isku dayey in Weerar gaadmo ah oo qorsheysan lagu qaado Xarunta madasha iyo Hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ahna Hogaamiyaha madasha xisbiyada qaran.

 

 

War saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay habeenadii isku xigay ee Taariikhdu aheyd 22 iyo 23 March ay jireen isku daygaas ciidamada ku hareereeyeen Hoyga Sheekh Shariif, waxaana ay sheegeen inay xadgudub ku tahay xurmada Madaxweynuhii hore isla markaana ka soo horjeeda shuruucda dalka iyo hannaanka dowladnimada.

 

Qoraalka ayaa waxa ay madasha Xisbiyada Qaran ku sheegeen qorshaha isku daygaasi inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, islamarkaana arrintaasi ay ka digayaan.

 

Qoraalka ayaa raaciyey in falalkaas “aysan marmarsiyo u noqon karin dib u dhigis ku timaada doorashooyinka ama marin habaabinta umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka”.

Madaxda dowladda federaalka ayay ku boorisay “in ay xoogga saaraan howlaha qaran ee hortabinta leh mar-xaladan kana fogaadaan talaabo kasta oo abuuri karta xasilooni darro”.

 

War saxaafadeedka Madasha ayaa ku soo aaday saacad kaddib markii Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale uu beeniyay wararka sheegaya in Ciidamo la dul dhigay Hoyga Sheekh Shariif, isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker