Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya qaybtii 11aad

Gebo-gebo;-

 In mudo ah waxaan idiin soo gudbin jiray,qoraaladii aan ugu magac  daray “Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,kuwaas oo aan sawir buuxaa kaga bixinayey sida ay u adag tahay amase ay waqti dheer u qaadanayso isfahan dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddaba waxaan qaybtan kugu soo koobayaa,in aanu suurto gal ahayn  in uu midho dhalo ,heshiis kasta oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya,inta aan xal loo helin arimaha hoos ku qorn:-

1.  Waa in la fahmaa,waxa guud ahaan Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeya,sida Diinta-Dhalashada-Dhaqanka-Afka -Deegaanka iwm.

 

2.  Waa in aynu isla fahanaa,isla meel dhignaa waxa aynu isku hayno ,si dhab ah,loo baadhaa baaxada ay leeg yihiin.

 

 

3.  Waa in aynu isla fahanaa qaladaadkii   iyo dhibkii dhacay iyo sababihii ay u dheceen iyo sidii looga bogsan lahaa.

 

4.  Waa in aynu isla fahanaa macnaha erayga Somaliweyn,waxa looga jeedo iyo sida uu ku hirgeli karo.

 

 

5.  Waa in aynu isla fahano sida ay u kala fog yihiin  Shuruucda inoo qoran,Somaliland iyo Soomaaliya.

 

6.  Waa in aynu fahanaa in ay fiican tahay in aynu Somaliland iyo Soomaaliya dhexdooda ku wada hadalo,oo aynu Luqadeena Afsoomaali ku wada hadalo.

 

7.  Waa in aynu fahano in Dowladaha ina dhexdhexaadinayaa,ay leeyihiin dano gaar ah,oo aanay ka tanaasuli Karin.

 

 

8.  Waa in fahmo,in la fuliyo wixii lagu heshiiyo,ee anay noqon qaar goobta lala dhaafin,kuwii hore iyo  kuwa iman doonaba.

 

9.  Waa in la fahmaa in Aflegaada iyo erayada xanafta leh ee Saxaafada iyo Baraha Bulshada laysu mariyaa ay ina sii kala fogaynayaan -Shicib iyo Dowladaba.

 

10.                Waa in la helo cid ku dhiirata,Shacab iyo Siyaasiyiinba erayada ah “aynu midowno  amase kala kala tagno labada dhinacba(Somaliland iyo Soomaaliya).

 

Hadal iyo dhamaan inta ay jiraan arimahaas aan kor kuxusay iyo qaar kala oo badan oo la mid ah,Somaliland iyo Soomaaliya sidaas 

 

 

 

 

ALLAA. M A H A D    L E H

 

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

ayey isula meeraysanayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker