Geeddigii Dheeraa Ee Galgacalka: Gurgurshihi Wuxuu Rarka Furayaa Guryosamo!

Sannadkii 2011ka ayaannu si rasmi ah isu barannay, waxa aannu markaas bareyaal ka wada ahayn Dugsiga Sare oo Hargeysa ah. Marka laga yimaaddo in aan dhigi jiray maaddada Bayoolajiga waxa si gaar ah isugu kaaya sidkay afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Waayo-arag aftahan oo aan wax badan ula noqdo weeye. Waa nin aqoon igu biiriya.

Kolkii aannu waayadaas iska waraysannay waayaha nololeed, aadamaha kama dhammaadaan filashada iyo rejada san ee qoysnimo’e waxa uu ii sheegay in sahankiisu arkay ciddii u nolosha la qaybsan lahaa iyo marwo uu u qoonddeeyay inay dhiggood iska cugtaan. Dharaarahaas ayay iyaduna dalka ka dhoofaysay.

Waxa aan ku idhi “Miyaad meherisid oo dalka dejisiid, dhoofka iyo jacaylku waa isu cadaw’e?”. In uu geeddigaas baajiyo ayaan ku guubaabiyay. Waxa uu yidhi “ma rabo in aan lid ku noqdo qorshaheeda iyo rabitaanka qoyskooda. Waa ay soo laaban doontaa idanka Alle”.Sidii ayay ku socdaashay. Waxa isu kay qaban waayay “waan jecelahay iyo jabad kale ayaa ay tegaysaa”. Miyaa jumladahaa la is waafajin karaa.. Walaw la kala safrayo waxa ay gankood iska doorteen hilaad ay ahaayeen arday wada dhigata dugsi sare.

Waxa iigu halqabsaday Dhakhtarkii jacaylka Abwaan Marxuun Maxamed Cali Kaariye oo guursaday gabadh uu jeclaa, haddana furaya. Waxa la yidhi “ Maxamedow, maxaad u furaysaa xaaska aad caashaqa weyn u qabto, kama maarmaysid’e?”. Waxa uu yidhi “inay cadhooto ayaan diidayaa”.. Raalligelinteeda awgeed ayuu Abwaan Kaariye raran u maray. Waxa aan ka dareemay qotada jacaylka ku beeran jaallahay. Si joogto ah ayaa loo kala war heli jiray. Muddo aan ku qiyaasayo sannad kaddib ayuu bilistii weydiiyay “xillima ayaad soo laabanaysaa?”. Waxa ay tidhi “Ilaahay baa og, hawlihii aan u baxay ma hirgelin weli”.

Wareerkii uu saaxiibkay maalintaas galay ma qiyaasi kartaan. Tobankaas gu’ ee aannu is-aqoonka iyo xidhiidhka lahayn waa uu xawilnaa.. Xiskiisuna hal qof ayuu dhawraarayay. Maalmahaa adkaa qaarkood isaga oo basanbaaska galgacal awgii ilmada iska tiraya ayaan marag u ahaa. Waxa ay ahaayeen laba qof oo isku kalsoon. Laba aad odhan karto “Eebbe ayaa isu abuuray” ayay ahaayeen. Laba wanaag iyo wadajir ku wada socda ayay ahaayeen. Laba aan sugayo xilliga guurkoodu dhacayo ayay ahaayeen.

Mar kasta waa aan ka waraysan jiray. Laba sanno ka hor Maarj 2018ka ayuu ii sheegay in meherkoodi dhaw yahay. Goor Alle goor aan faraxii curiyay maansadan hambalyada ah ee 100ka meeris ahayd ma garan. Haddana qaddarka Alle ayaa wax kastaaba ku qabsoomaan. Waxa farxad ah in Axmed-Yaasiin Cabdiraxmaan Axmed (Dool) iyo Marwo Hibo Axmed Cabdisalaan uu meherkoodu ka dhacayo Masaajidka Rusheeye berri o ah 23ka Maarij 2020ka haddii Alle idmo. Ma garan karo meher aan uga farxad badanahay. Gurigoodu ha noqdo kii dhisma, dhaqma ee dhidibbadu u taagmaan.

Waa jacayl midho-dhalay, waa samir tobannaan sanno ah. Waa axdi iyo wacad fulay. Waa barbaar iigu suntan xilkasnimo iyo samo. Bohoolyow maanka ku beernaa 14 gu’ ayaa gaadhay yoolkiisii oo lagu dhisayaa guur iyo guri roon. Wax ka badan hambalyo ayuu qoysku iga mudan yahay, sidaas ayaan maqaalkan u qoray….

Caruusku waa mudanaha dhanka midigta ugu xiga. Tiraabta hawaale-warranka ah ayaan ku koobnaan doonaa caawa idanka Alle.

 

 

Siciid Maxamuud Gahayr

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker