Yaa fududeeyay la wareegida hawada wixii laysku odhan jiray Soomaaliya?.

Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex  Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa ka faaloonaya shaqsiga fududeeyay la wareegida hawada wixii laysku odhan jiray Soomaaliya?.

 

Waxa maalmihii ugu danbeeyay aad loo hadal hayay baaqashadii duulimaadyada Flydubai ay ku iman jirtay Hargeysa.

Dadka arrimahan ka hadlaayay ayaa intooda badani aaminsan yihiin in amarka duulimaadyada diyaaradaasi lagu hakiyay ay bixisay dawlada Farmaajo ee Xamar fadhida.

Inkastoo ay dadweynaha reer Somaliland siyaabo kala duwan arrinatan uga hadlayaan oo ay qayb badan oo ka mid ahi aaminsan tahay in dawlada Imaaraadku iskeed ugu dartay hakinta duulimaadyadii ay diyaaradooda kaga joojiyeen dalal badan, ayaa haddana waxa dadka waxgaradka ahi ama arrimaha siyaasada Soomaalida u dhuun daloolaa ay ku doodayaan in masuuliyiintii Somaliland ee hore u soo maamulay wasaarada duulista qaarkood ay Muqdisho u fududeeyeen inay si buuxda hawada wixii laysku odhan jiray Soomaaliya ay la wareegto.

 


Tusaale ahaan waxa dadka arrimahan ka doodayaa ay eeda in hawadeena Soomaaliya la wareegto dusha ka saarayaan wasiirkii hore ee duulista Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay u arkaan inuu ahaa shaqsigii gacan bidixeeyay qaraarkii ay qaramda midoobay (UN) kula wareegtay hawada wixii laysku odhan jiray Soomaaliya ee lixdankii midoobay oo sheegaayay sida uu Maxamuud Xaashi laftigiisu u sheegay Horncable TV in ay qaramada modoobay maamusho hawada Soomaaliya tan iyo inta laga helaayo dawlad si buuxda gacanta ugu haysa xuduudaha Soomaaliya oo wada gaadhsiisan.

 


Qolyaha arrinta ku doodayaa waxa ay aamin san yihiin in Maxamuud Xaashi oo metelaayay waaxda duulista ama wasaarada duulista Somaliland ay ka sexeexdeen isaga in maamulka hawada Somaliya ee ay gacanta ku haysay hay’ada ICAO gacanta loo soo geliyo dawlada wakhtigaa ka baxday ku meelgaadhka ee Soomaaliyadii aynu kala tagnay, taasi oo fursad ka heshay Somaliland in ay meesha ka saarto cid ka daba qaylinaysa , maadaam uu wasiirkii duulista Somaliland qayb ka ahaa dedaalka ay Soomaaliya ugu jirtay la soo wareegida hawada, isaga sidii la doonaba ha loogu dhigee.


Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan meesha ku jirin eedaha loo soo jeedinaayo maamulka iyo maareynta hay’ada duulista ee xukuumadda Muuse Biixi, gaar ahaan Maareeye Rodol oo isagu la wareegay hay’adaasi laftii iyo dhuuxiiba lagala baxay, haseyeeshee waxa xukuumadda Muuse Biixi looga fadhiyaa in guddi loo saaro soo baadha qaladaadkii wasiirkii duulista ee arrintan fududeeyay uu galay, islamarkaana hay’adan lagu celiyo wasaaradeedii, si uu u hogaamiyo wasiir leh awooda hagista siyaasada duulista oo derejada duulista sare loogu qaado inta aynu ka soo jeedsanayno dagaalka wejigiisii hore laynagaga adkaaday.

 

Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex

 Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker