Xuutiyiinta Dalka Yemen oo Hanjabaad adag U diray Somalia

 

Sida lagu daabacay Shabakadda Wararka ee Almashhadalkhaleeji.com Kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta kana dagaalanta dalka Yemen ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ku Eedeeyeen inay ku soo xad gudbeen Jaziiradaha Yar ee dalkaas ee Soqotra.

 

Isla markaana ay dooneyso inay noqoto goob Cusub oo laga baadho Shidaalka.

 

Shir deg deg ah oo ay yeesheen Xubnaha Guddiga fulinta Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo uu Shir-guddoominayey Mas’uulka ugu magacaaban Wasiirka Gaadiidka, Zakariya Al-shaami

 

ayaa lagu sheegay in Dwlada Federaalka Somalia  ay ku xad gudubtey Jesiiradaha yaryar oo at Ka mid Tahay  Soqotra isla markaana u dhexeeya Xuduud-baddeedka dalalka Yemen iyo Somalia

 

kuna dhow Kanaalka Guwardafuuy iyo Gacanka .

 

Shakabadda Wararka Almashhadalkhaleeji.com oo soo xiganeysay Faraca Wakaalladda Wararka Yemen ee SABA ee ay Xuutiyiinta maamulaan ayaa Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta ugu Magacaaban xuutiyiinta ee Axmed Daaris

 

 

waxaa uu sheegay in marnaba aan laga aqbaleyn qorshaha ay wado DFS isaga oo uga digey arrintaas.

 

 

Kooxda Hubeysan ee Xuutiyiinta waxay kaloo soo hadal-qaadeen inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay doonayso inay QM ka  Ansixiyaan.

 

Kana xaqiijiyaan Biyaha Gobalka iyo Jasiiradaha Soqotra.

 

Dhinaca kale qoraal dheer oo kasoo baxay Madaxda Kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Somalia.

 

ay soo degsatay Khariidada qeybaha Badda ee ay u Aqoonsadeen qeybaha cusub ee Batroolka ee Jasiiradaha Soqotra.

 

Iyaga oo ku hanjabey inay Sharciga la tiigsan doonaan.

 

Jasiiradaha Soqotra oo gaaraya Afar waxaa ay 240-KM dhanka Bari kaga toosan yihiin Xeebaha Puntland ee Somalia.

 

halka ay Jesiiradahaasi u jiraan dalka Yemen masaafo dhan 240-KM ee Koonfurta Gacanka Carbeed.

 

waxaana la sheegaa in ay yihin Goobo Shidaal laga heli karo.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli dhankeeda kama hadlin Warkaan kasoo yeeray Kooxda Xuutiyinta Dalka Yemen ee ah in Dowlada ku xad gudubtey Jaziiradaha Yar ee dalkaas ee loo yaqaano Soqotra.

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker