Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa si kala gooni gooni ah u tegay inta badan Madaxda Hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca ee looga awood roonaadaey dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Shalay Gelinkii dambe waxaa Garoowe gaarey Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Magalada Gaalkacyo,waxaa sidoo kale Maanta gaarey Maxamed Shaakir Cali Xasan Cabdi Samad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlusunna & Xubno kale.

Sirasmi ah oo loo cadeyn karin sababaha keenay in Madaxda hoggaanka Ahlusunna ay xiligaan fariisin ka dhigtaan Magaalada garoowe oo Xarun u ah Maamulka Puntland maadaama ay horay u sheegeen markii uu dagaalka ka dhacay Dhuusamareeb inay ka tanaasuleen Arrimaha Siyaasadeed.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxaa ay sheegayaan in Maamulka Putland uu Ahlusunna ku boorinaya in ay u tababaraan Ciidamo kale, iyaga oo diyaarinaya xero tababar oo looga furo Deegaanka Heemo oo Gaalkacyo u jira 35KM.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker