Ciyaar Yahanka Cristiano Ronald oo Bishii Xaaskiisa Biil Ahaan U siiya 100 $ kun oo Dollar

Wargeyska Corriere dello Sport ee wax ka qora Ciyaaraha qaaradda Yurub ee kasoo baxa magaalada Rome ee dalka Talyaniga ayaa kusoo Daabacay  in ciyaaryahanka u dhashay dalka Burtiqiiska ee u Ciyaara kooxda Juventus, Cristiano Ronaldo uu lacag dhan 100 kun oo Doolar  Siiyo Bil walba Gabadha uu Qabo ee   lagu Magacaabo   Georgina Rodriguez.  si ay ugu soo Dukaansato

 

 

Wargeyska ayaa sidoo kale kusoo warramay in Ronaldo oo 35 sano jir ah uu Xaaskiisa Rodriguez oo iyaduna 26 jir ah lacagtaas u siiyo gunno ahaan, si ay ugu noolaato noolal heesare ah.

 

Corriere dello Sport ayaa kusoo warramay in Cristiano Ronaldo uu sanadkiiba mushaar ahaan u qaato lacag dhan 28 milyan oo doolar. Georgina u dhalatay dalka Spain ayaa gabar laba sano jir ah u heyso Cristiano Ronaldo, taas oo lagu magacaabo Alana Martina.

 

 

Hase yeeshee Rodriguez ayaa Ronaldo waxay la korisaa Saddex caruur oo kale oo uu dhalay, waxaana uu wargeyska sheegay in inta badan gabadhaas ay ku sugan tahay gurigaas, halkaas oo ay ku koriso, kuna xanaaneyso caruurta.

Ronaldo iyo xaaskiisa ayaa inta badan la arkaa iyagoo ku nool noolal heersare ah, oo waxaa ay u Dalxiis tagaan meelaha ugu quruxda badan caalamka iyagoona qaata diyaard u khaas ah.

 

 

Dhawaan ayay ahayd markii Rodriguez ay Cristiano Ronald siisay Haddiyad baabuur oo qaali, kaas oo Qiimihiisu yahay  lacag dhan 120 kun oo doolar. Ronaldo ayaa xilligaas u dabaaldegayay sanad guuradii 35-aad ee kasoo wareegatay dhalashadiisa.

 

 

Rodriguez oo taageerayaal aad u badan oo gaaraya 17 milyan ku leh barta Instagram ayaa sidoo kale waxaa ay dhaqaale ka sameysaa shirkadaha ay xayaysiinta u sameyso.

Xaaska Ronaldo ayuu wargeyska sheegay inay kusoo barbaartay tuulo fog oo ku taala waqooyiga dalka Spain, halkaas oo ay kula nooleyd aabaheed Jorge oo isaguna ahaa ciyaartooy u dhashay dalka Argentina iyo hooyadeed oo Spanish ah.

 

Rodriguez markii ay yareyd waxay aad u jecleyd inay barato ciyaaraha qoob ka ciyaarka, balse waalidkeeda xilligaas ma aanay awoodin inay u diraan iskoolada lagu barto ciyarahaasi, waxaana markii dambe ay iska noqotay gabar dharka xayaysiisa.

 

Waagii hore waxaa ay ku nooleyd noolal ka duwan tan hadda ay ku nooshahay oo waxaa kabalyeeri ka ahayd maqaayad. Markii ay da’deedu soo gaartay 19 sano, waxaa ay usoo wareegtay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, halkaas oo ay ka ahayd jaariyad saacadiiba ku shaqeysa toban doolar.

Hase yeeshee markii dambe waxaa ay dib ugu laabatay dalka Spain, waxaana ay Cristiano Ronaldo isku barteen dukaanka caanka ah ee Gucci store, halkaas oo uu ka bilawday xiriirkooda.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker