Oodweyne News - Latest Somali News Update

Akhriso :Qodobada ay ku Heshiiyeen Hogaamiyayaasha Axsaabta Somaliland iyo Xukuumadu .(Sawiro)

Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay Dooddii ay Axsaabta mucaaridka ahi ka qabeen guddida cusub ee Doorashooyinka Qaranka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

 

Shir ballaadhan oo ay Xarunta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mida axsaabta mucaaridka.

 

ayaa Qalinka ku duugay Heshiis is-Afgarad buuxa lagaga gaadhay khilaafkii qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka sidoo kalena ay xisbiyada mucaaridka ahi kusoo buuxinayaan labadii xubnood ee ka dhinaa guddida cusub ee doorashooyinka qaranka, si ay gudida doorashooyinka qaranka ee hada xilka hayaa u gutaan waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah, iyada oo xubnihii hore ee gudida doorashooyinku ay noqon doonaan xubno farsamo ahaan iyo khibrad ahaan u kaabi doona gudida doorashooyinka qaranka.

 

Heshiiskan ay Gaadheen Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye iyo Xisbiyada Mucaaradka waxaa ka shaqeeyay Midiowga Yurub oo Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo arimo kale oo badan.

Hoos ka Akhriso Heshiiska ay madaxweynaha Somaliland iyo Mucaaridku wada gaareen.