Xogahayaha Arrimaha Debedda Mareykanka oo shaaciyey xilliga la saxiixayo heshiiska Taliban

Xogahayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in Mareykanka uu u diyaar garoobayo saxiixa heshiis uu la galayo kooxda Taliban 29-ka bishan February, kaasi oo ku imanaya xabbad-joojin muddo todobaad ah oo lagu yareynayo rabshadaha dalkaasi.

“Marka lagu guuleysto hergelintan isfahamkan, waxaan ku raja weynnahay saxiixista heshiiska Mareykanka iyo Taliban inuu horey u socdo” ayuu Pompeo ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray ka dib markii uu booqday dalka Sacuudiga.

Afhayeenka Guddiga Amniga Qaran ee Afghanistan Javed Faisal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in isfahamka “yareynta rabshadaha” ee soconaya muddada halka toddobaad una dhexeeya Taliban, Mareykanka iyo xukuumadda Afghanistan uu goordhow bilaaban doono.

 

Xabad-joojintan toddobaadka ah ayaa noqoneysa tallaabo taariikhi ah ka dib muddo ka badan 18 sano oo dagaallo ba’ani ay ka socdeen Afghanistan, waxayna wadada u xaareysaa heshiis lagu dhameynayo colaadda dalkaasi.

Pompeo ayaa sheegay in wadahadallada dhinacyada Afghanistan ay si dhaqsa ah u bilaaban doonaan marka heshiiska lagu kala saxiixdo 29-ka bishan Febraayo magaalada Doha ee dalka Qatar.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker