Jarmalka oo xoojinaya amniga Masaajidyada kaddib markii ay halis soo baxday

Dowladda Jarmalka ayaa ciidamo boolis ah oo dheeraad ah u howlgalin doonta si ay u sugaan amniga masaajidyada, xarumaha tareennada, garoomada diyaaradaha iyo goobaha kale ee xasaasiga ah, maadaama ay soo baxday “halis aad u weyn” oo ka imaan karta taageerayaasha midigta fog, kaddib markii weerar dad lagu laayay uu ka dhacay magaalada Hanau, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Horst Seehofer ayaa sheegay inuu aqbalay isbadallo dhinaca amniga ah oo ay soo jeediyeen hoggaamiyeyaasha gobollada, si looga hortago weerarro kale oo noocaas ah.

Kooxda dacwad oogeyaasha ah ayaa sheegay in ninka hubeysnaa ee weerarka geystay, oo la dilay, uu ahaa “qof aad cunsuri u ah”.

Sagaal ruux ayaa Arbacadii lagu dilay makhaayado lagu cabo shiishadda oo ku yaalla magaalada Hanau ee galbeedka Jarmalka.

“Halista amni ee ka imaaneysa xagjiriinta midigta fog, kuwa yuhuudda neceb iyo cunsuriyiintaba waa mid aad u heer sarreysa,” ayuu yiri Mr Seehofer.

Wuxuu arrintan ku qeexay “Khatartii amni darro ee ugu weyneyd ee uu Jarmalka wajaho”.

Muhammed B, oo isagoo dhaawac ah ka badbaaday weerarka, ayaa isagoo sariirta isbitaalka ku jiifa ka sheekeeyay sida uu ninka hubeysan rasaasta ula dhacay dadka ku sugnaa makhaayadda Arena Bar & Cafe.

 

.Lahaanshaha sawirka.
Image captionMuhammed wuxuu ka mid yahay dadkii ka badbaaday weerarka

“Qof walba oo uu indhaha saaro wuxuu si toos ah uga tooganayay madaxa. Dhulka ayuu seexday kaddibna rasaas ayuu nagu furay dhammaanteen. Aniga darbi ayaan isku qariyay waana dhaqdhaqaaqayay si aan uga dhuunto, laakiin garabka ayuu iga toogtay,” ayuu yiri, isagoo wareysi siinayay warbaahinta Turkish TV.

Yey ahaayeen dadka dhintay?

Dambi baareyaasha ayaa sheegay in dhammaan dadka ku sugnaa meheradda shiishadda ay ahaayeen kuwo asal ahaan qaxootinimo kusoo galay waddanka – qaarkood waxay heysteen dhalashada Jarmalka, halka Turkiga uu sheegay in ugu yaraan shan ruux ay heysteen dhalshada tURKIGA.

Kuwo kale ayaa la sheegay inay ahaayeen dad kasoo jeeda qowmiyadda Kurdiga.

Dadka dhintay waxaa kale oo ku jiray saddex qof oo u kala dhalatay dalalka Bosnia-Herzegovina, Bulgaria iyo Romania.

Tobannaan kun oo ruux ayaa habeenimadii talaadada ka qeyb galay baroordiiq dadka dhintay loogu sameeyay magaalooyinka Hanau iyo Berlin, waxayna siteen shumacyo shidan, iyagoo wada aamusan.

Weerarka, oo uu fuliyay nin Jarmal ah oo 43 jir ah, laguna magacaabo Tobias R, ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa fal argagixiso.

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo ka hadashay weerarka ayaa cambaareysay wax ay ugu yeertay “sunta cunsuriyadda”.

Location of the attacks

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker