Furista Ururrada: Dhul gariir ku dhuftay Xisbiyada

Kelmadii ugu sacab tumista badnayn waxa ay ahayd furista ururrada ee uu madaxweynuhuu ku soo qaaday khudbadiisii. Markii uu sacabku badatay ayuu isna qosol kooban raaciyey. Marka isha la wada mariyo jawiga ay xildhibaannada xisbiyada mucaaradku ku sugnaayeen markii dhawaaqa ururradu soo yeedhay ayaa ahayd mid lagu kala duwan yahay. Qaarkood lamay dhacsanayn oo walaac ayey ka muujiyeen, halka kuwa kalena ay dhoolacaddayn ku qaabileen. Waayo waxa ku jirta hammiga ah inay urur furtaan. Maxaa dhul gariirka keenay? Dhawr qoddob ayeynu dul istaagi doonaa:

= Waddani: waxa oodda soo goosanaya qamaamuurta xisbiga ku jirta ee hore u waayey fursad ay xisbi ku furtaan. Wasiir hore Duur oo si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey furista ururrada ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yidhi “Furitaanka ururada siyaasadeed waa dhawaaq shacabku soo dhaweeyay.

Waa fursad intii wax saluugsanayd ay Ku sixi karaan waxay tabayaan”. Tani waa bilowgii waxa waddooyinka ku soo jira inay xubno badan ay suurtagal tahay inay urur furtaan. Guddoomiyaha xisbiga ayaanu shaki ku jirin in furista ururrad ay joog iyo jiifba u diiday, waxaana garbahiisa ka baxaya rag miisaan ku lahaa xisbiga oo urur furan doona. Weli go’aan ka qadhaadhi muu soo marin guddoomiye Cirro. ‘Qolo marti ah oo Oogaadeena ayaa tegay Harar, markaasaa bun loo keenay iyaga oo aan weligood bun cabbin. Markii ay bunkii dhammaysteen ayaa lagu yidhi, iska taga waa sadaqee. Markaasaay yidhaaheen weli sadaqo ka qadhaadh maanu arag’.

= Kulmiye: kolay shirka soo socda ee xisbiga waxa la arki doonaa shakhsiyaad ka baxa oo isku qanciya inay urur furtaan. Waxa meesha ka baxaysa is-bahaysigii beelaysnaa ee xisbiga Kulmiye ku shuraakoobay. Waxaana soo bixi doonta inay labadii beelood ee ugu cuslaa kala dhaqaaqan, oo mid kastaa dhawr urur ka dhexsamaysmaan. Dhammaan xubnihii xisbga ku jiray ee aan golaha wasiirrada ku soo bixin, ee sitay magaca xil-suge ayaa bannaanka uga bixi doona, oo urur furan doona. Hoos u dhac weyn ayaa ku soo fool leh xisbigan siyaasadda Soomaalilaan gacanta ku hayey 10 kii sanno ee ugu dambeeyey. Waxa se la dhawrayaa halka ay xisbigan dhigaan madaxweyne Biixi iyo jaalihiisa wasiir Kaahin.

= Ucid: xisbiga ugu hor dhiman doonaa waa kan, waayo markii horaba naf la caari ayuu ahaa. Kol haddii xisbigii Waddani ee ugu weynaa mucaaradku ay xaaladiisu tahay inuu rifmo oo uu ku jiro xaalada hubaal la’aan ah inuu soo bixi iyo in kale, maxaad ka filanaysaa Ucid oo markii horaba aanay nafi ka sarayn. 20 sanno ee ugu dambeeyey ayuu xisbigu ahaa qol u xidhan guddoomiyaha iyo musharaxa aan dhicin ee Faysal. Waraysi ay BBC-da laanta Afsoomaaligu ka qaaday markii uu soo baxay hadalka furista xisbiyadu, ayuu si cadho leh ku yidhi “ ama ururro ha furo ama wuxuu doono ha furo”.Waxa ay hore maryo dhiigleh ay kala furteen Jamaal oo mar xisbiga musharax ka noqday. Waxa kuu caddaynaysa inuu yahay dhiciskii birta loo sii siday ee bakhtiyey, doorashadii ugu dambaysay wuxuu helay 4%.

Maxaa la filan karaa?

Waxa si weyn loo dhawrayaa inay beelaha darafyadu boodhka iska tumaan oo ay siyaasiyiintoodu isu bahaystaan xisbi ay ku midoobaan Boorama, Laascaanood iyo Badhani. Ragga fikirkaasi hore u sheegay ee aan qarsan waa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Prof. Gallaydh iyo Xaglotoosiye. Ololihii tabliiqa siyaasadda ee ay horboodayeen labadan Prof. ayaa mar ay Boorama joogeen la weydiiyey sababta saddexda xisbi ay beesha dhexe keligeed u yeelatay? Prof. Samatar ayaa si cadho leh uga jawaabay oo yidhi hadal nuxur ahaan noqonaya, “maxaa u diiday Boorama inay xisbi furato?, yaa u diiday?. Ma jirto meel loogu diiday inay xisbi furtaan. Hadday hore u dhacday in aanay xisbi lahayn, qorshahaasi waa loo baahan yahay”. Sidoo kale siyaasiyiinta Ismaaciil Hurre Buubaa, Dr. Gaboose, Xirsi, Maxamuud Xaashi iyo Cabdicasiis Samaale ayaa laga wadaa inay ka qayb galaan furista ururrada.

Saameynta Ganacsatada iyo Wadaaddada

Waxa si weyn loo rajeynayaa inay kaalin muuqata ay ka qaataan furista ururrada dadka shaqaalaha gacanta ku hayaa. Waxa soo bixi doona ururo ay dhaqaale badan ku bixiyaan ganacsatadu ama wadaaddadu oo hadhow ay saameyn dadban ku yeeshaan sida hadda adduunka ka jirta. Xisbiyada ay gacanta ku hayaa ganacsatada dhaqaalaha haysaa waa kuwa ugu xooga badan xisbiyada jira wakhtigan. Dadka lagu laayo hubka fudud ee Maraykanka gudihiisa lagu iibiyo, waxa u taag waayey madaxdii soo martay Maraykanka. Waayo, waxa awood xisbiyada ku dhex leh ganacsatada iibisa hubkaasi oo dhaqaale badan siisa xisbiyada Maraykanka. Waxa ay xubno badan ku leeyihiin golayaasha sharci-dejinta Maraykanka. Markaa sharci kasta oo lagu diiday yahay hubkaasi way daadafeeyaan. Wakhtigan xaadirka ah adduunka waxa ugu xoog badan hantiilayaasha lacagta haysta.

Cali Cabdi Coomay,

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker