Xafiiska Ilaalinta Xuquuqda aadamaha ee Qaramada Midoobay oo Koonfurta Sudan ku eedeeyay Macaluusha Dadkeeda

Xafiiska Ilaalinta Xuquuqda aadamaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay dawlada Koonfurta Sudan iyo kooxaha kale ee hubaysan ee ay colaadu ka dhaayso in ay si u-tala-gal ah u macaluuliyeen dadkooda.

 

Baadhitaan ay samaysay Hayadan ayaa lagu Ogaaday in gargaarka Bini’aadanimo ee la bixiyo iyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay ka mid ahaayeen cuntada, biyaha iyo dawaduba si ku-talo-gal ah la isku hortaagay, taasina ay sababtay in inka badan nus-milyan qof oo ku nool koonfurta sudan ay haatan cunto degdeg ah u baahan yihiin.

 

Baadhitaankan warbixinta laga soo saarat ayaa waxa sidoo kale lagu sheegay in malaayiin doolar oo lacagtii bulshada ah ay boobeen mas’uuliyiinta dowladda ah, isla markaana ay aruurinayaan caddeymo ku saabsan shakhsiyaadka bulshadooda macaluuliyay, sida ugu dhaqsaha badana ay ugu gudbin doonaan maxkamad.

 

Warbixintan Qaramada Midooday hayadeeda u qaabilsan Ilaalinta Xuquuqda aadamaha ayaa waxa la daabacay laba maalmood uun ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay garabyada ku dagaalamaya South Sudan inay ku soo dhisaan dawlad wadaaga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker