Noloshu maanta waa maqluub

Nin dhalinyar ah ayaa maqaaxi ila soo fadhiistay, markaas ayuu yidhi, madaxwaynaha somaliya iyo Raisal wasaraha Itobiya ayaa Hargaysa imanaya, waa maalmihii muranku taagnaa.

Waa warka suuqa wax ka run ah ma garanayo, inta badan wararka caynkaas ah ogaan ayaa loo soo galiyaa, si dadka dareenkood loo cabiro, somaalida ayaa tidhaa gal dad liq ah ul baa layskaga dayaa, ama waa mashquulin dadka arin ay dawladu samaysay laga mashquulinayo.

markaa yarku wuxu yidhi siyaasi hebel ayaa diidan, waxaan ku idhi isaga ayaa ogol, waayo siyaasigu maqluub ayuu u shaqeeyaa, maantana wadaad iyo waranleh maqluub ayaa loo shaqeeyaa, in illaahay u naxariistay mooyee.

Maxaayeelay maanta caalamka waxa hogaaminaya dad maqluub u shaqeeya,oo waa reer galbeedka, markaa nolosha oo dhan waa maqluub.

Video ayaa youtube ka la soo galiyay, macalin ayaa arday wax u dhigaaya oo leh 2+2=5. Waa run video gaas waa sida loo shaqeeyo, hadii aad adna u shaqaysid maqluub waad la jaan qaadi, hadii aad is tidhaa sida saxa ah u shaqee, tuke baal cad ayaad noqon.

Hadaba hadii aan sheekada madaxwaynaha soomalida ku noqdo, Kulmiye waxa hogaanka u haya nimankii aasaasay snm, ee soomaliya burburiyay, hadana dawlidii hore ee kulmiye ayaa  billowday inay xidhiidh wada hadal sameeyaan koonfur iyo woqooyi, kulamadaas waxay ku ekaayeen uun heer wasiiro, dawladan kulmiyena ee hadana, halkii ayuunbay ka sii anmbaqaaday oo hore ayay usiiwaday, waxay gaadhsiisay kulankii heer madaxwayne, soomalida ayaa tidhaa  madaxna meel la taabto oo ka saraysaa ma jirtu, bal tallaabada ku xigtana ha la eego.

Laakiin waxa is waydiin leh, waa maxay sirta ku jirtaa in soomali la burburiyo, hadana kuwii burburiyay ay billaabaan xidhiidhada, meesha sir ayaa ku jirta.

Aniga aragtidayda waxay illa tahay, wixii dagaal ina soo maray oo dhan, qabaail is dila ha noqdaan, ama burburinta soomaliya, waxaas oo dhan hadafka laga lahaa waxa weeyi awooda dadku leeyihiin mid qabiil ha noqot, mid damiir ha noqoto iwm, in la burburiyo ayaa looga dan lahaa, cigaal ayaa maalin yidhi sida guryuhu u dumeen ayaa dadkuna u dumay, hadalkaas waa run.

Midda kale waxa la doonayay in qolo dhidiabda loo aaso oo ay wadanka si fiican u qabtaan taladiisa, marka qoladaas lagu hubsado inay wadankii hantiyeen, khayraadka loo soo saaro inagu qoladaa kaba qaad u noqon, kuwaasna waa kuwa laynagu dhex beeeray, intaas oo dhan iyaga ayaa loo soo carbinaayay.

In kuwaas laynagu dhexbeeray si fiican inoo hantiyeen waxa ku tusaysa, nin masuul ah ayaa bari hore igu yidhi Nuuraw hebel nin walba meel ayuu ku og yahay, maxaa markaa kuu hadhay.

Mar hadii inaga si fiican gacanta inoogu dhigeen wadaad iyo waranleh, waxaa u hadhay koonfur, koonfurna kulamadii waa taa heer madaxwayne maraysa.

In xagaa laguu carbinayana waxa ka mid ah,caalamada ama emblem ka kulimiye, hadal waqtigii cigaal la sheegay oo ahaa, aynu soomali halkan ka xukuno, iyo aynu u gurmano wallaaleheena koonfureed, iyo war la sheegay kuwii barigii dhawayd macaawinada geeyay Baladwayn, war laga soo xigtaa, adigu waxaas oo dhan waxay ku tusayaan xaga loo socdo oo ah midayn.

Midayntuna maaha jacayl soomali eh, qoladan ina fuushan ayuunbaa la doonayaa inay illaa koonfur fuulaan, iyaga oo inaga ina adeegsanaya, sidii burburintii soomaliyaba laynoo adeegsaday, illayn waxaynu nahay dhegwayn wax uun loo yeedhiyo eh, ama sida la yidhi eh soodhe.

Bal tallaabooyinka ku xigana aynu eegno.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker