Joogitaanka Wasiirka Maaliyadda Itoobiya: 9 Weydiimood Oo Madmadaw Igaga Jiro! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Inta badan Wasiirrada Federaalka Itoobiya ee Somaliland yimaaddaa, waxa ay joogi jireen saacado ama shir/munaasibad kolka ay ka qayb galaan waa ay laaban jireen. Shalay/maanta se dareen ayaa jira.

Sagaal weydiimood ayaan hayaa saaka oo aan la kallahayaa, ciddii igu dhaantaa ha ii iftiimiso:

1.Miyuu weli joogaa Wasiirkii Maaliyadda Itoobiya?
2.Illaa hadma ayuu joogayaa?
3.Muxuu xukuumadda kala hadlay?
4.Ma waxa jira qancin la rabo in la is liqsiiyo inay Raiisal-Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya ku yimaaddaan Hargeysa?
5.Wax war ah in dhaqdhaqaaq ciidan ka jiro soohdimaha?
6. Ma maqasheen xan ah in duullimaadyada diyaaraha la xayirayo mid mooyaane maalin soo socota?
7. Ma maqasheen in aan diidmada imaatinka Farmaajo lagu qancin oo culays iyo olole jiro?
8. Haddii xogahaasi jiraan maxaa shacabka la gudboon?
9. Ma waxa socda bannaanbax lagu diiddan yahay cid la qarinayo inay dalka imanayso, oo cid gaar ah lala socodsiiyay?

 

Siciid Maxamuud Gahayr

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker