Dawladaha Somalia iyo Cumaan oo Yeeshay Xidhiidh Cusub oo dhanka Ganacsiga ah

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Enj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo wefdi uu hoggaaminaayey oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal shaqo ku joogay wadanka Cummaan, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaasi ee Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Saldanada Cummaan Md. Cali bin Mascuud Al-Sanadi.

 

Wasiirka Ganacsiga oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka Tirsan Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya, ayaa waxay labada dhinac ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka Ganacsi ee soo-jireenka ah ee u dhaxeeya labada wadan gaar ahaan Xoolaha nool, waxaana ay isku raaceen in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada xoolaha si looggu dhoofiyo Suuqyada Gobalka iyo kuwa Caalamka ba.

 

Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Cummaan, waxa kale oo ay ka wada-hadleen in la helo is-Afgarad u dhaxeeya labada Wasaaradood oo la Xidhiidha Arrimaha Ganacsiga iyo Warshadaha isla mar ahaantaana la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii loo xoojin lahaa xariirka Ganacsi ee labada dhinac. Iyaga oo sidoo kale na isku raacay in la abuuro madal ay ku kulmaan Ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Cummaan (Somali-Oman Business Forum).

 

Ugu dambeyn waxa kale oo ay isla soo hadal-qaadeen in labada dal ay isku xiraan dhallinyarada leh hibada hal abuurka Ganacsi maadaama ay haystaan dhallinyaro aad u badan oo ku wanaagsan Ganacsiga casriga ah ee Tiknoolojiyadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker