Wasiir Koore Oo Muddo Kooban Wasaaradda Warfaafinta Joogay ayaa Qaaday Talaabooyin Maamul-Xumo Oo Wasaaraddii Curyaamiyay

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Salebaan yuusuf Cali koore oo mudo yar oo kooban hayay xilka wasiirnimo ee wasaaradda warfaafinta, ayay isa soo tarayaan ficilada maamul-xumo ee uu ka sameeyay wasaaradda warfaafinta,kuwaas oo dhamaan ka hor imanaya Nidaamka Maamul ee habsami u socodki shaqo ee Wasaaraddu Qaranka masuulka uga ahayd.

Sida ay shabakada wararka Oodweynenews.com Akhristayasheeda ku xidhan hore ugu baahisay waxa jiray talabooyin hore oo aad u guracan oo uu sameeyay wasiir Koore mudaddi koobnayd ee uu wasiirka ka ahaa wasaaradda warfaafinta oo ay ka mid ahayeen; eryis Shaqo, ka-hakin iyo Digniino Culus oo qaar ka mida shaqaalaha wasaaradda warfaafinta kula kacay,kuwaas oo dhamaantood baalmarsana Nidaamka Shaqada wasaaradda iyo Xeerka shaqaalahaba.
Waxaanay ficiladan maamulo-xumo ee wasiir koore kula kacay Nidaamka shaqo ee wasaaradda iyo shaqaalaha wasaaraddaba uu sababay in khilaaf ka dhex Abuurmo wasiir koore iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta oo wasiirka warfaafinta uso jeediyay in dariiqa sharciga ah iyo Maamulka suuban lo maro hadba talabooyinka la qaadayo ee ku saabsan shaqada iyo shaqalahaba.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta ayaan isagu dhag jalaq u siin so jeedimaha lagu sixilaha Maamulka shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta.
Dhanka kale, talabooyinka maamul-xumo ee wasiirka warfaafintu ka sameeyay wasaaradda warfaafinta waxa ka biyo diiday Hay’ada shaqaalaha Dawlada oo wasiir koore mudo dhawr jeer ah ku Canaantay Nidaamka ka baxsan sharciga shaqaalaha Dawlada ee uu kala kacayo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta,Balse dhegaha ayuu ka furaystay.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland salebaan yuusuf Cali koore waxa uu maalimi u danbeeyay sameeyay ficilo ka dhan ah Nidaamka shaqo ee wasaaradda warfaafinta,waxaana ka mid ah ficiladaaas ka hor imanaya shaqo socodsiinta wasaaradda xilal uu magacaabay iyo shaqadi Agaasimaha Guud oo uu qaybo ka mida ku wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

Xillaka uu magacaabay waxa ka mida kormeerka guud ee shaqada wasaaradda warfaafinta oo u magacaabay Ugaaso maxamed lugooyo.
Sida la ogyahay shaqada kormeerkeeda guud wax iska leh Nidaam ahaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta. Sidoo kale shidaalka lagu socodsinayo shaqada wasaaradda ee uu hoosgeeyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa isna ah Shaqadii Agaasimaha Maamulka iyo Agaasimaha Guud.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker