Daawo: Wiil Somali ah oo Iska dhigay Gabadh si Uu Baasboorkeeda Ugu Dhoofo oo Lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Ankara

Ankara (OWN) – Nin Soomaali ah oo iska soo dhigay Gabadh, si uu ugu dhoofo Baasaboor gabadh leedahay ayaa 12-kii bishan lagu qabtay magaalada Ankara ee dalka Turkey, waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Sabah ee Turkey.

Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Ibrahim M. ayaa lagu qabtay garoonka diyaardaha Esenboğa ee magaalada Ankara, isaga oo kusii jeeda dalka UK.

Ibrahim ayaa watay kaarka deganaashaha iyo warqadaha safarka (Baasaboorka yar) ee Khadija H.,  markii la qabtay isaga oo doonaya inuu raaco diyaarad u socotay magaalada London.

 

Waxa uu u labisnaa sida dumarka isaga oo wata goono dheer, kootka gabdhaha iyo qamaar, islamarkaana soo marsaday walxaha dumar isku qurxiyaan (make up).

Ibraahim ayaa sidoo kale u muuqaal eg gabadha lagu magacaabo Khadija ee uu baasaboorkeeda ku safrayey.

Booliska ayaa ka shakiyey Ibrahim markii ay ka yaabeen walxaha la isku qurxiyo ee tirada badan ee wejiga soo marsaday.

 

Saraakiisha booliska ayaa kadib dib ugu laabtay muuqaallada kaamirooyinka garoonka, waxayna heleen Khadija oo baasaboorka ku siineysa Ibrahim gudaha garoona.

Booliska ayaa kadib ka dalbaday Ibrahim inuu iska qaado

 

 

qamaarka, iskana dhaqo walxaha uu soo marsaday, kadibna sidaas ayaa lagu ogaaday.

Khadija, oo la sheegay inay tahay saaxiibtiis, ayaa iyadana la xiray ayada oo isku dayeysa inay ka baxsato garoonka.  Labadooda waxaa hadda gacanta ku haya booliska.

Hoos ka daawo muuqaalka dhacdadan

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker