Muuse iyo Farmaajo way is arkeen oo isa salaameen ee may wadahadlin.

PM Ethiopia Mr Abye Axmed wuxuu ku guulaystay inu Barafka ka jabiyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, Laakiin wax diiramaad Lama dareemin.

Abye Muxuu Doonayay: Abye isagu wuxuu doonayay inuu CV hagaajisto oo Shirka AU da lagu hadal hayo, oo saxaafadda caalamku wariso una aqoonsato nin mucjisooyin samayn kara. Ilaa heer wanaansan ayuu Abye Axmed ku guulaytsay inuu Hal Tallabo kaliya (Only One Step) oon tu labaad lahayn qaado.

Farmaajo Muxuu Doonayay : Farmaajo dhinciisa wuxuu doonay in maruun la sheego fal amma war magaca Farmaajo la xidhiidha oo aan xunayn. Ta labaad muddo-xileed kiisii ayaa soo dhaw iyado wuxuu kharribo mooyee aan cidi sheegin wuxuu hagaajiyay amaa soo kordhiyay. Sidaa awgeed, Farmaajo wuxuu la kulanka Muuse u arkay fursad in maruun loo arko qof waxa qaban kara amma war fiican ka soo yeedi karo.

Muuse Muxuu Doonayay : Muuse dhinciisa uu ogyahay inaanu Farmaajo marna Somaliland la heshiinayn. Muuse wuxu ka dharagsan yahay in Farmaajo Aarkii Barre u daba jooga Somaliland amma Reer Sheekh Isaaq. Markaas Muuse muxuu doonayay??: Bulshada Caalamka ayaa muddo aan yarayn Muuse Bixi ku boorinaysay inuu wadahadal la galo xukuumadda Xamar . Culays badan ayaa arrinkaa lagu saaray . Laakin Muuse kulanka Farmaajo wuu ka gawsadaygay, sababtoo ah: Hanaanka iyo qaabka ay Dawladaha qaar soo jeedinayeen in loo kulmo ayaan ahayn qaab ay Somaliland ku qanacsanyn tahay.

Sidaa awgeed, Muuse markan wuxuu yiqiinsaday in kulanka Farmaajo ( Sida loo dhigay) aanu maqaam ka somaliland waxba u dhimayn – sida laga dheehan karo hadalkii wasiir Fartoon oo isagu gogol-xaadhka Shirkan lahaa.

Beesha Caalamka oo arrinkan dabada ka riixayaa dadaalkooday way sii wadi doonaan . Laakin waxay tidhi Dacawadii Yeesha Cuntay: Wallee Reer Aan Ogaa Ma Guuro . Inta villa Somalia Farmaajo ku jiro, ha filina in heshiis Guul Iyo Guul ah la gaadho (Win-Win Solution) .

Xasan Cadi Yuusuf
Geoplitical Analyst
Hargeisa, Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker