Xisbiga Kulmiye ma U baahan yahay Hogaaminta Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi? Qalinkii Suxufi Sinyore

Qalinkii Suxufi Sinyoore

 

Waxaa beryahan doodeedu taagan tahay Musharaxnimada Hogaaminta  Xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Muuse ka-dib, iyadoo ay rag badan oo ka
mida xisbigu u hanqal-taagayaan isla markaasina hunguraynayaan inay  Hogaanka u qabtaan majaraha Gudoonka sare ee xisbul-Xaakimka.

 

Hadaba su’aasha is-weydiinta leh ayaa ah: kumaa ku haboon Hogaaminta  Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Muuse ka-dib.Wasiirkii hore ee wasaaradda
Madaxtooyadda Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isagu ah:  Siyaasiga keliya ee shaaciyay AMA ay ka muuqato inuu yahay musharraxa
Rasmiga u Taagan jagada Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee
KULMIYE.

 

Dabcan, Marka Hore. damacu waa sunne aad u wanaagsan oo ka turjumaya  in qofku yeesho Han Iyo Himilo oo uu ka Run sheego weliba. Isla-markaana u  dhib yareynaysa inuu gaadho yoolkiisa.Inagoo intaasi maanka ku hayna,
ujeedaduna intaasi tahay.

 

Ayaa waxaad dadweynaha ka maqlaysaa doodo iyo talooyin siyaasi ah oo kala  duwan, iyagoo raba inay qeexaan Hogaamiyaha dhabta ee uu u baahan-yahay  Xisbiga Kulmiye.Hadaba Su,aalaha halkaasi ka soo baxaaya, Ayaa waxay inagu khasbayaan   inaynu baadhitaan dhaba ku sameyno.. Cidda rabta Gudoomiyaha Xisbiga  Kulmiye. Inagoo ka jawaabayna su.ashaasi odhanaysa.

 

Ma yahay Siyaasigani kii aynu u baahnayn???.

 

 

Waxaa Jira Raga kale oo qarsoon oo Ex-Wasiir Maxamud Haashi Loollanka  kula jira. laakiin sabab kasta ha noqotee aan si rasmi ah weli banaanka ugu soo bixin, laakiin Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ah siyaasiga kaliya ee ilaa  hadda caddeeyay hankiisa hoggaanka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo uuGuddoomiye iminka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi.

Si kasta oo ay tahay: Musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.Maxamuud xaashi ayaa noqday : Siyaasiga keliya ee kaambeyn {olole} ku cadeeyey inuu tageero weyn ka haysto Shacabka ugu badan ee Gudaha iyo  Debadda ku dhaqan, Sanqadhiisuna aad u weyn tahay, Saameyn badana ku leh Xisbiga kulmiye, Iyadoo Doorashooyinkii Degaanka iyo Wakiiladda loo diyaar-garoobaayo.

 

Muxuu xisbiga kulmiye ku Danbeynayaa; waa su.aal kale oo mudan in lays-weydiiyo.Doorasho kasta waxay leedahay Fursad iyo Imtixan labadaba Laakiin Maanta waxaa Madaxweyne Muuse Biixi horyaala Madax-wareerkii ugu weynaa taarikhdiisa una baahan go,aan qaadasho adag iyo inuu ka hortago waxii halisu ah xisbiga ama ku yimaadda iyo inuu gacantiisa ku burburo.

 

Maxay tahay Faa’idada ku jirta Musharaxni khubarada siyaasadda qaarkood waxay ku dooddayaan in marka la eego
duruufaha iyo caqabadaha siyaasiga ah ee ku gedaaman xukuumadda  Madaxweyne Biixi, ay la gudboon-tahay in uu la-kala saaro siyaasadda
hogaaminta dalka iyo ta-Xisbiga.

 

Waana sidii Ex-Madaxweyne Siilaanyo uu sameeyey taasi oo ay weliba isaga waa madaxweyne muuse ay dan weyn ugu jirto, isla markaana hogaaminta  Xisbiga uu ku wareejiyo shakhsi ku guntan in aan waxba iska bedelin Taageerada xisbiga kulmiye, una noqda Cumaamad uu iskaga gudbodabeylaha siyaasaddeed ee ku soo wajahan Madaxweynaha.Dad oo iyagu tageersan doorashada musharaxnimada Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa sheegaya inuu rajo wanaagsan ka qabaan inuu doorashadda kuguuleysto.

 

isagoo dhiira gelin ka helaaya Siyaasiyiin iyo shacab badan oo kasoo jeedda Somaliland gaar ahaan tageerayaasha ugu badan ee xisbiga kulmiye.Ugu dambeyn, In Madaxweyne Biixi wareejiyo kursiga Guddoomiyaha Xisbiga
waxa ay dani ugu jirtaa mustaqbalka siyaasaddeed ee Madaxweynaha Iyo TaXisbul Xaakimka Kulmiye, Hase ahaatee xulashada Qofka uu u banaynaayo ayaa iyaduna ah arrin ka baaraan-deg badan uga baahan isaga iyo lataliyeyaashiisa gaarka ah.

 

 

Shebakada Oodwenenews Ku Xidhnaw

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker