Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Faahfaahin Ka Bixisay Safarkii Madaxweyne Muuse Ee Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muddo saddex maalmood ah booqosho rasmi ah ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ee ka soo qayb galay kal-fadhiga 33aad ee Ururka Midawga Afrika.

 

Waxa kale oo ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku kulmeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka Itoobiya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay u mahadnaqaysaa Dawladda Jamhuuriyada Dimuqraaddiga Federaalka Itoobiya, Gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Dr. Abiy Ahmed sidii milgaha iyo sharafka badneyd ee loo gu soo dhaweeyey waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland muddadii uu ku sugnaa dalka Itoobiya.

 

Waxa kale oo ay Dawladda Somaliland, si mug leh ugu mahadnaqaysaa Hogaamiyayaasha Qaaradda Afrika ee ay kulamada ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Midawga Africa.

 

 

Ahmed Omer Elmi
Director of Communication Department,  
Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation, Republic of Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker