“Somaliland Waxanu soo galiney Computerkii Caalamka “ Sh Yusuf illaa Faratoon!

Bal dib iila milicsada oo aan idin xasuusiyo  dhacdo aan filaayo in aad idinkuna  xasuusan doontaan. Goobtu waxay ahay Khayriyada badhtamaha Hargeysa, waa cabaaro 10:00  Subaxnimo, waxaa jirey khudbado ay ummadda Reer Hargeisa u jeedinayeen qaar kamid ah wasiiradii Xukuumadii AHN  Marxuum Cabdiraxman Axmed Cali, waxaa kamid ahaa wasiiradaa Marxuum Sh Yusuf Sh Cali Sh Madar oo ahaa Wasiirkii Arimaha Dibedaa ee wakhtigaa, waxaa kamid ahaa weedhihii uu halkaa shacabka uu uga jeediyey isaga oo markaa kasoo laabtay safar uu dibeda ugu baxay oo aqoonsi raadis ahaa. “ Wallaahi Qaranimadda Somaliland waxaan soo galiyey Computerka caalamka” nasiib-darada jirtay wakhtigaa , Computer kaba waxaa loo haystay waxkale. Aqoon la’aan inaga haysatay dartee. Dadka qaarna waxay umalaynayeenba aaladii aqoonsiga keenaysay .  Kelmaddaasi waxay shacabku isugu tahniyadaynayeen muddo bilo ah “ Somaliland hadda ayaa la aqoonsanayaa” maadaama oo aynu galnay computerkii dunida.

Bal adba….. Xogla’aanta Ujeedadii uu Madaxweyne Biixi ku tagay Ethiopia ee uuna shacabka u sheegin marka laga yimaad haddal kii Wasiir faratoon ee ahaa “  Waftigu waxay ujeedadiisu ahayd ama inuu ka qaybgalo sida caadada u ahayd sanadwalba shirka Africa ee Guud( markaa waxaa isweydiin leh Shirka ma waxaynu uga qayb galnay sida dalalka kale ee Africa ugaga qayb galaan bilow ilaa dhamaad? Wasiirku haddalkiisa sida uu u dhigay waa bilow iyo dhamaad…… mise Xidhitaankii ayaa la inagu casuumay?  +   kulankii Madaxweyne Biix iyo Farmaajo oo uu Salaan ku tilmaamay iyada oo kulan koodaasi qaatay in ku dhaw hal saac.

Haddaba ;  Waxaa Xukuumada Madaxweyne Biixi looga baahan yahay in ay ummadda u sheegto Xaqiiqda Safarkooda iyo ujeedadiisa dhabta ah iyo Waxay kasoo wadda hadleen Madaxweynaha Somaliya kulan koodii saacada qaatay. Waxaa jira tuhun ah in ujeedada ay u tageen inay ahayd in ay wada kulmaan FARMAAJO maxaase la qarinaya?

Haddaladii qurxoonaa ee Wasiir faratoon waxay I xasuusiyeen “ Somaliland waxaan soo galiney COMPUTERkii Caalamka”

Wabillaahi Tawfiiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker