Mudo Sanad Ku dhow oo ay Degenayd Wasaaradda Warfaafinta iyo Dib u Curashada Khilaafkii Wasaaraddaasi Curyaamiyey

Tan iyo maalintii uu yimid wasaradda warfaafinta Wasiir Saleebaan Yusuf Cali koore waxaa soo if baxaya khilaaf u dhaxeeya Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali.

Khilaaf kaas oo salka ku haya awoodaha sharci ee labada masuul qaranka u hayaan oo u eeg mindi mindi ku taag kaas oo sabab u noqday inay istaagto shaqadii iyo horumarkii socday.

Khilaafkan ayaa bilowgiiba soo shaac baxay Kulankii u horeeyay ee Wasiirka cusubi Saleebaan Cali Koore la yeeshay Shaqaale weynaha Wasaaradda Warfaafinta isagoo markaas saluugay tiro ku dhow laba boqol oo hawlwadeen oo kulankaas ka soo xaadiray ayuu ku tiraabay oo uu dhawr jeerna ku celceliyey ” Agaasime Guud meeye 740-kii shaqaalaha ahaa ee munaasibadii xilwareejinta aad igu wareejiseen”.

Hasa yeeshee Agaasimaha Guud ayaa kaga jawaabay ” Mudane Wasiir dhamaanba shaqaalaha fariinta ka soo qayb galka kulankan Mobiladooda ayaa loogu diray markaa intii ka baaqatay waa inaynu la xisaabtanaa” Balse Wasiirku kumuu qancin Waxaanu sheegay in Kulan danbe laba cisho kadib la isugu yimaado, Waxaana madashaasi ka hadlay dhawr xubnood oo ka mid ah Odayaasha Wasaaradda Warfaafinta.

Weriye Mubaarik Cabdi Yuusuf ayaa damcay inuu ku hadlo afka Shaqaalihii kulankaas ku sugnaa hasa yeeshee Wasiir Saleebaan Koore oo aad u cadhaysan ayaa weydiiyey Weriyihii Sababta uu u rabo inuu hadlo waxaanu kaga jawaabay ” Mudane Wasiir Ujeedada kulanku saw ma aha is barasho iyo isu xog waran” Wasiirka ayaa u sheegay Weriye Mubaarik in aanu hadli karin sidaas ayaanu Weriyahani ku fadhiistay Waxaa Markaas Mikrifoonka qabsaday Wasiirkii isagoo sheegay in shaqaalaha wasaaradu ay yihiin sharwadayaal cudur ku ah shaqada wasaarada,Waxaanu ku goodiyey inuu kuwo badan Sadqayn doono.

Waxaa mar qudha is bedelay Jewigii kulankaas kadib markii uu Wasiirku Madashii shirkaas ka saaray laba weriye oo ka dareen celiyey hadal ay dhibsadeen dhamaanba shaqaale weynihii kulankaas ku sugnaa.

Xogta aanu ka helayno shaqaalaha ayaa sheegaysa in wasiirka wasaradda warfaafintu dagaal iyo cago juglayn la soo galay wasaradda isaga oo halku dhig ka dhigtay shaqaalaha xidha, erya iyo xerada ka saara isla arintaas na waxaa ka biyo diiday Agaasimaha Guud oo sheegay in aan shaqaalaha la iskaga eryi Karin sifo baalmarsan Sharciga dalka oo uu jiro xeerka shaqalaha dawlada.

Xogahan ayaa xaqiijiyey in hay’adda shaqaalaha dawladu ay soo celisay Amar uu Wasiirku ku saxeexnaa oo uu shaqada kaga eryayay Laba ka tirsan hawlwadeenada wasaaradaas,Waxay hay’ada shaqaalaha dawladu soo celinta amarkaas sabab uga dhigtay iyagoo cuskanaya Qodobka 26aad ee Xeerka shaqaalaha dawlada oo cadaynaya in hadii qof shaqaale ah la anshax mariyo ay Guddida anshax marinta shaqaalaha ee Wasaaradda oo uu Gudoomiye u yahay Agaasimaha Guud ka fadhiisato Kadibna Go’aankiisa oo Agaasimaha Guud ku saxeexan yahay Loo gudbiyo Hay’adda shaqaaalaha dawladda.

Laakiin aanu wasiirku awood u lahayn inuu qoraalkaas u soo gudbiyo ,Waxaa kale oo hay’addu diiday in sabab la’aan lagu eryo shaqaale dawladeed oo joogto ah (Permanent).

Waxaana ilaa iyo hada waxaa taagan is mari waaga u dhexeeya Wasiir Koore iyo Hay’adda Shaqaalaha dawlada labadaas shaqaalaha ahina ay shaqada dibada ka joogaan Laakiinse ay ka warsugayaan Gudoonka sare ee hay’adda shaqaalaha dawlada.

Khilaafkaas ka dib Wasiir Saleebaan wuxuu sameeyay qaybin uu qaybiyay awoodaha Agaasimaha Guud oo uu kala siiyay Agaasime waaxeed yada qaar ka mid ah iyo Magacaabis Xilal cusub Tusaale ahaan hawlwadeen uu u Magacaabay Kormeerka iyo ka soo warbixinta marba halka ay marayso shaqada wasaaraddu.

Sida uu dhigayo Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumada Xeer Lr.71/2015. Qodobka 25-aad ayaa Faqradiisa 13-aad ayaa Tilmaamaysa Xilka iyo Waajibaadka Agaasimaha Guud Taas oo u dhigan sidan. (Kormeerka waaxyaha iyo soo saaritaanka dhaliilaha shaqadda, iyo u soo gudbinta wasiirka Xubnaha mutaystay).

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta ayaa soo saaray 30.01.2020 Heeganka Shaqada ee 24-ka Saacadood ee Wasaaradda Warfaafinta Isagoo fulinaya Amar ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta iyadoo dhamaanba agaasime waaxeedyada loo qaybiyey inuu mid kastaa 24 Saacadood shaqada ku jiro Xitaa ay dhex seexanayaan Wasaaradda iyagoo Agaasimaha Heeganka u lihi uu ka mas’uul noqonayo dhamaan dhaqdhaqaaqyada iyo hawlaha ka socda wasaaradda, Waxaase isweydiin leh shaqada uu qabanayo qofka uu wasiirku u Magacaabay Kormeerka Wasaaradda.

Sidoo kale Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa digniin u qoray sadex weriye oo ka tirsan weriyeyaasha Telefishanka Qaranka oo barnaamijyo ay ku qornaayeen ka baaqsaday inay qabtaan.

Inkastoo Marka Milgaha dawladnimo la eego laga qurux badan yahay in Wasiir qof shaqaale ah Digniin u qoro,maadaama ay Tahay Shaqada Agaasinka guud hadana waxyaabaha la yaabka leh ee Qoraalka Wasiirka ku jira waxaa ka mid ah inuu Ogaysiin ku siiyay Madaxweynaha JSL taas oo baalmarsan Xeerka shaqaalaha dawlada.

Waxaanu Qormadan ta Xigta idiinku soo gudbin doonaa Wareegtooyin badan oo Sharciga baalmarsan oo uu Qoray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta Iyo Dhaqanka Somaliland.


Weriye Faysal Xaaji
GalkaXogta2015@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker