Maraykanka Oo Sudan Ku San-duleeyay Bixinta Magdhaw Weerar Argagixiso

Maraykanka ayaa Dalka Sudan ku Sanduleeeyay inay bixiso magdhaw weerar Argigixiso ay ka fulisay meel ka baxsan dalkeeda.

Heshiiskan dhex maray Sudan iyo Maraykanka ee ay Suudaan qalinka ku duugtay ayaa dhigaya in Wadankaas Carbeed uu magdhaw siiyo qoysaska 17 badmaaxiin Mareykan ah oo ku dhintey markab dagaal oo Maraykanku lahaa oo lagu magacaabi jiray USS Cole, oo lagu duqeeyey deked ku taal Yemen sanadkii 2000.

 

 

Ogolaashaha Heshiiskan ayaa ahaa Shuruuda kaliya ee Maraykanku ku xidhay Sudan si uu uga saaro liiska madow ee dalalka argagixisada taageera, mase cada qadarka lacageed ee ay magdhawga u bixinayso xukuumada Khartoum.

 

 

Shabakada Al-Qaacida ayaa qiratay dhacdadan, waxana ay sheegtay inay mujaahidiinteedu oo adeegsanaya doonyo caag samaysan oo laga buuxiyay walxaha qarka qaadeen weerarkaas sanadkii 2000 lala beegsaday markabkaas dagaal ee Ameerikaanka ee taagnaa xeebaha Yemen.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa xukumay Suudaan, dushana u saaray masuuliyada weerarkaas, sababta oo ahayd in labo ka mid ah is-miidaamiyayaasha weerarkan Fuliyay lagu tababaray wadankeeda, inkasta oo ay Khartoum eedahaas beenisay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker