Ethiopia Oo Meel-marisay Xeer Mamnuucaya Baahinta Hadalada Cunsuriyada Ah

Barlamaanka Ethiopia ayaa maanta Ansaxiyay sharci xakamaynaya hadalada nacaybka ah iyo warbixinaha been abuur ah ee lagu baahiyo warbaahinta maxaliga ah iyo baraha bulshada ee ay dadka reer Ethiopia isticmaalaan.

 

Sharciga ayaa looga golleeyahay in looga hor tago hadalada baraha bulshada iyo warbaahinta lagu wadaago ee sababa rabshadaha, takoor ka dhan ah qof ama qoomiyad, korna u qaada nacaybka diimaha iyo qoomiyadaha dhexdooda ah.

 

Waxaa sidoo kale Ujeedada Xeerkan cusub ku jirta kobcinta dulqaadka, dhiirigalinta wada hadalalada rayidka ah, is ixtiraamka, isfahamka iyo xoojinta dowladnimada iyo dimoqraadiyada.

 

Waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu xakameeyo faafinta hadalada nacaybka xambaarsan, aragtiyaha qalooca, warbixinada been abuurka ah iyo dhamaan macluumaadka marin-habaabinaya buldhada.

 

Sharciga ayaa sidoo kale mamnuucaya faafinta hadalada cunsuriyada xambaarsan ee a baahiyo, la daabaco ama lagu faafiyo baraha bulshada, ha noqdo qoraal, maqal ama muuqaale.

Si kastaba ha ahaatee, Baarlamaanka Ethiopia waxa uu ku ansixiyay xeerkan cod aqlabiyad ah, waxana diiday 23 xildhibaan, halka ay 2 xildhibaana ka aamuseen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker