Dhegayso: Gudoomiyihii Shirkadii Barakaat Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ka hadlay Go’aanka Mareykanka ee Al-Barakaat

Muqdisho (OWN) – Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Axmed Nuur Jimcaale ayaa ka hadlay xayiraada maanta laga qaaday sharkaddii Al-Barakaat, taas oo dowladda Mareykanku ay xayiraad ku soo rogtay sanadkii 2001-dii, wax yar un kadib weerarkii lagu qaaday daarihii mataanaha ahaa ee New York.

 

Guddoomiye Axmed Nuur oo u waramay laanta af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dadaalka ugu badan ee loogu fasaxay hantida bixisay madaxda hadda hoggaamisa dowladda Soomaaliya, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu sheegay in seddaxdii sano ee uu talada hayey ay si joogto ah uga wada Xadhiidhayeen  Arinta Sharkaddaas.

 

Sidoo kale Axmed Nuur ayaa u mahad celiyey madaxweynaha dowladda Jabuuti oo uu sheegay in dadaal badan uu isna ku bixiyey arintaan iyo dhamaan dadkii kale ee kala qeyb qaatay sidii loogu soo fasixi lahaa Hantidiisa.

Waxa uu sheegay in lagu eedeeyey in shirkadiisu ay xariir la laheyd Ururka Al-Qaacida, balse lagu waayey wax cadeymo ah, taas oo uu sheegay in ay kaliftay in laga qaado

o xayiraada.

Lacagta ugu badan ee laga xayiray ayuu sheegay in ay ku xanibneed dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halka dalka labaadna uu ahaa Mareykanka.

Guddoomiye Axmed Nuur waxa uu sheegay in muddii ay xayiraaddu saarneed shirkaddisa khasaare badan ay soo gaartay, waxuuna dowladda Mareykanka ka dalbaday mag dhaw iyo in arintooda dib loo fiiriyo, isagoo xusay in ay looyarro qabsadeen.

Halkan hoose ka dhageyso wareysida Axmed Nuur Jimcaale

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker