21 Nin Oo Maxkamad Loo Soo Taagay Weerar Argabixiso Oo Ka Dhan Ahaa Safaarada Maraykanka Ee Lubnan

Nin u dhashay dalka Siiriya oo la Tuhunsanyahay inuu maleegay shirqool ka dhan ah Safaarada Mareykanka ee Lubnaan ayaa loo gudbiyay maxkamad maanta oo Khamiis ah isaga oo ay weheliyaan 20 qof oo kale, sida ay werisay wakaaladda wararka ee NNA ee ku hadasha afka dowladda Lubnaan.

 

NNA ayaa sheegtay in garsoore milatari ah uu soo saaray xukun ka dhan ah ninkan oo lagu soo eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda xagjirka ah ee Dawladda Islaamiga ah isla markaana uu qorshaynayay hawlgal argagixiso oo lala beegsanayay Safaarada Maraykanku ku leeyahay Magaalada Bayruud ee caasimada dalkaasi Lubnaan.

 

 

Ninkan ayaa la Tuhunsan yahay inuu diyaarsaday walxo-qarxa isla markaana uu doonayay inuu iibsado diyaaradda Drone ah oo uu weerarka damacsanaa inuu u isticmaalo. Mana jirin macluumaad dheeraad ah oo ay NNA ka bixisay ninkan, sidoo kalena ma sheegan eedeymaha loo haysto 20ka qof ee kale.

 

Ilo wareed ka agdhaw laamaha amniga Lubnaan ayaa sheegay in ninkan lagu qabtay bishii hore gudaha Lubnaan isla markaana la rajaynayay inuu wajaho maxkamad milatari isaga oo ay weheliyaan 20ka nin ee kale ee la tuhunsan yahay in qorshaha weerarkaas ay gacan ka geysteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker