Maxaa Kasoo Baxay Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxweyne Muuse Biixi ?

Wararka Ka Imanaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta wadanka Itoobiya ayaa sheegayaan in dowladda Itoobiya ay kulan siisay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somalilad Muuse Biixi.

Labadda Madaxweyne iyo xubno ka socda labadda dhinac ayaa kulanka ku sugan, waxaana lagu sheegay in kulankan uu yahay is Araggii Ugu horreeyay sidda ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya.

Waa Markii ugu horreysay oo ay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxwayne Muuse Biixi tan iyo markii la doortay.

Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhowr jeer yeeshay kulamo kala duwan oo kala dhacay London iyo Turkiga , Imaaraatka. iyo Meelo kale

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker