DURUUFTEENNA OO MIDA, YAA MIDKEENBA WAX DAAWAN!

#Ducaale: War Diriroow bal warran beryahan ismaynaan arage xaggee wax marayaan, waddankii is beddello badan baan ka socdee.
#Dirir: War ninyohoow wax ka soo dara mooyee wax ka soo raynaya maan arag anigu, dhabankiyo gacantaan isku hayaa.

#Ducaale: War ninyohoow intaa wuxuun baad ka dayrisaaye, miyaadan horumarka socdaba u jeedin. Indhahaagu ma xumaanta uun bay arkaan.
#Dirir: Ducaaloow ninba wax baa u muuqdee, bal wax lagu niyaayiroodo oo maanta Soomaaliya ka socda ii sheeg

#Ducaale: Miyaadan arag waxa gobolladii dhexe ka socda iyo in dawladdii federaalku gacanta ku dhigtay Galmudug.
#Dirir: Oo Galmudug miyaanay markeedii horeba ahayn maamul ka tirsan federaalka.

#Ducaale: Xaggay ka ahayd niman fooxlayaal ah oo cadowga u adeega iyo Xaaf oo isna cadowga u adeega ayaa xuurto ku haystaye. Hadda waa laga furfuray oo dawladdaa ku beddeshay nin iyada taageersan
#Dirir: Oo miyaan dalka federal lagu dhaqin, oo dastuurku sheegayn in dawladgoboleedyadu si madax-bannaan u soo doortaan hoggaankooda.

#Ducaale: Federaalka aad ka hadlayso iyo dastuurka aad sheegaysoba cadowgaa inoo keenay.
#Dirir: Nidaamka dawladdoo dhan waa laynoo keenee, kan federaalka iyo kuwii ka horreyeyba midkoodna dhaqankeenna kama turjumayne. Maxaa kale oo cusub?

#Ducaale: Gobolkii Gedo ciidammadii qaranka ee dawladda federaalka ayaa la wareegtay, guddoomiyeyaal cusubna waa u magacawday degmooyinka qaar. Degmooyinkii hore u taageersanaana dawladda dhexena madaxdii horaa loo cusboonaysiiyey.
#Dirir: Oo Gedo miyaa laga gooyey Jubaland?

#Ducaale: Maamulkaas Axmed Madoobe ee cadowga u adeega dawladdu ma aqoonsana. Kismaayona waad ogtahayoo go’doon baa lagu soo rogay, dhowaanna ciidanka qarankaa iyada lafteeda la wareegi doona oo maamul xalaala sida kan Galmudug ayaa dawladdu u dhisaysaa.
#Dirir: Oo dawladdii laga rabey inay dalka isku kab-kabto oo dib isugu tosho ma iyadaa dalkii kala furfuraysaba? Cadowgii Shabaabna sidee laga yeelayaa, haddii ciidankii qaranku xooggoodii maammul-goboleedyada lagu kala furfurayo.

#Ducaale: Shabaabka waxa ka daran maamul-goboleedyadan cadowga u adeegaya. Marka Jubaland gacanta lagu dhigo, waxa keliya ee markaa hadhay waa Puntland, iyadana waa loo soo jeesanayaa. Weliba aan kuugu daree Puntland sidii hore hadda waa ka jilicsan tahay, hawlo badnina hadda way ka socdaan oo dadkii reer Puntland aad bay dawladda dhexe ugu soo xidhmeen oo ula shaqaynayaan. Khaasatan dhallinyarada Puntland waa wada Nabad iyo Nolol. Magaalooyinkoo dhan miyaadan ka daawan iyagoo dhallinyaradii Puntland mudaharaadaya oo calan-kusheeggii Puntland gubaya.
#Dirir: Oo meel bedqabtaba maad sheegine! Dawladda dhexe shaqadeedii ma waxay noqotay inay wax kala daadiso oo cadaawad hor leh abuurto. Sidaad sheegaysid meelwalba dab baa ka shidan Somaliland mooyee.

#Ducaale: Somaliland tee? Warba ma adigaa hay. War iyada lafteeda meel walba adduunka waa laga soo xidhay, dhallinyaradiina badidoodu way iskaga soo baxeen. Somaliland cago adag kuma taagna, maalin dhow bay isa soo dhiibi doonaan!
#Dirir: War ninyohoow bal Somaliland ha ii danbaysee, horumarkaad ii sheegaysey ma wuxuu ahaa Galmudug baa maamul dawladda dhexe usoo dhistay, Gedaa ciidankii federaalku ka qabsaday Jubaland oo guddoomiyeyaal Xamar looga soo magacaabay. Puntland baa lagu dhexjiraa oo burbur qarka u saran. Axmed Madoobe iyo Kismaayaa lagu duulayaa. Ma intaasaa waxaad ku qanacsan tahay?

#Ducaale: War ninyohoow dawladda taageer ama dabadhilifka taageer. Dawladdu shaqadeeda ayay qabsanaysaaye. Maamulladan xuxunka ah ee dawladaha is mooday tamartoodaa la tusayaaye, sandullaa dawladda federaalka lagu hoos keenayaa.
#Dirir: War ninyohoow dawladdu ma inay wax muquuniso ayaa loo doortay mise inay wax midayso?

#Ducaale: Cid danbe la baryi maayo, dawladdu iyadaa dalkoo dhan ka talisa wixii ka hor yimaaddana cagtay marinaysaa!
#Dirir: Bakaaraha iyo jidka Afgooye Shababka jooga ee marna cashuurta qaada marna dadka isku qarxiya ayaan jeclaan lahaa in dawladdu cagta mariso!

#Ducaale: Kuwaa waa loo soo jeesanayaa marka cadowga gudaha meel la iskaga tiiriyo.
#Dirir: Oo Ducaaloow Beledxaawo iyo suuqa Bakaaraha keebaa gudaha ah?

#Ducaale: Adigu Diriroow maxaa laguugu kari la’yahay inaad dawladda taageerto, ma ragga cadowga u shaqeeya ayaad dabadhilif u tahay!
#Dirir: “MURUQA LABA SUULLE NINBA SI KU AH” Ducaaloow dawladda haddaan ka arko inay sharciga ixtiraamayso, dadkeeda u tudhayso, midnimadooda adkaynayso, amniga xooginayso oo dadka nabadgelyo u abuurayso, cadaalad iyo sinnaanna dadka ugu adeegayso waan taageerayaa. Haddii kalena khaladaadka ii muuqda kama aammusayo ee waan tilmaamayaa si loo saxo. Anigoo khalad arkaya ma odhan karo waa sax!
TAASAA LA LEEYAHAY HA IS RAACDO!

Qore: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

  

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker