Dagaalka Turkiga iyo Ciidanka Asad ee Woqooyiga Suuriya

Dagaalka Turkiga iyo Ciidanka  Asad ee Woqooyiga Suuriya

Milatariga Turkiga ayaa weerar Wayn oo xaga Cirka ah ku qaaday ciidanka Asad kadib markii maanta ciidankooga laga dilay 5 Askari,

Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa Casarkii illaa Caawa garaacayay Saldhigyo iyo xeryo u leeyahay Ciidanka Asad.

Milatariga Turkiga ayaa warbaahinta usheegay in ay garaaceen boqolaal Bartilmaameed ilaa iyo hadana ay wadaan,

Dhinaca kale Diyaarad dagaal oo Ciidanka Asad u leeyahay ayaa burburisay Taangi Kamida ahaa kolanyo  ciidan oo Turki ah.

Safiirka Ruushka u fadhiya Dimishiq oo hadlay ayaa yidhi hadal laba aflayn ah oo u muuqda mid u garab kusiinayo Ciidanka Asad.

Dhinaca kale Dawlada Turkiga ayaa sheegay in gaashaanbuurta NATO oo Turkigu u kamidyahay ay wargaliyeen dagaalkana ay si dhaw ula socdaan.

 

Sayid Osman Sh. Ibrahim

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker