Daawo: Aabaha Dhalay Caasha Ilyaas oo ka hadlay Sababta Toogashada looga reebay mid ka mid ah raggii Dilay Gabadhiisa

Boosaaso (OWN) – Aabe Ilyaas Aadan oo dhalay, marxuumad Caa’isho ayaa ka hadlay xukunkii dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyey labo ka mid ah ragii loo xukumay kiiskaasi, kuwaas oo saaka lagu dilay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso.

Aabe Ilyaas ayaa soo dhoweeyay toogashada lagu fuliyey, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, isagoo sheegay inuu faraxsan yahay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukunka la fuliyey uu daawo u noqon doono gabar kasta oo Soomaliyeed, gaar ahaan inaan dumarka lagula kicin kufsi iyo dil.

“Maanta waxaan qisaasanay nimankii dilka iyo kufsiga u gaystay gabadhaydii Caaisho, waana dul-tegay meydkooda oo waan hubiyay inay dhinteen labada ruux ee la toogtay, waana ku faraxsanahay in xukunkii la fuliyey” ayuu yiri Aabe Ilyaas Aadan.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday sababta Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ah xukunsanaha saddexaad looga reebay toogashada.

Ilyaas Aadan ayaa carabka ku dhuftay inay isku afgrteen isaga iyo qoyskiisa in dib loo dhigo muddo 10 cisho ah, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya inaan weli Cabdisalaan lagu helin caddeymo rasmi ah oo muujinayo inuu qeyb ka ahaa falkaasi, inkastoo lagu xukumay dil toogasho ah.

Kiiska Caaisho Yar ayaa muddo dheer soo jiitamayey wuxuuna soo maray marxalado kala duwan iyo maxkamado dhowr ah oo ku yaalla deegaanada maamulka Puntland.

AABAHA DHALAY CAASHA ILYAAS OO SHARAXAYA SABABTA LOO REEBAY MID KA MIDA DAMBIILAYAASHA HALKAN HOOSE KA DAAWO:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker