Xukuumadda Somaliland shaacisay Lacagta ay u Qoondaysay La-dagaalanka Maandooriyeyaasha Sannadka 2020

Hargeysa (OWN)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa sheegay inay dowladda Somaliland la-dagaallanka daroogooyinka ama muqadaraadka kala duwan ee dalka soo gala u samaysay qorshe miisaaniyadeed oo lagaga hawlgalo, iyadoo Wasaaradda iyo Culimadu door muhiim ah markasta ka ciyaaraan joojinta isticmaalka noocyada daroogada guud ahaan.

Waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu sidaa ku sheegay Dood lagaga hadlayey la-dagaallanka noocyada daroogada oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu hambalyo iyo mahad-naq u jeediyey Culimada iyo Ciidammada Ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu sheegay inay mar walba heegan ugu jiraan la-dagaallanka muqadaraadka.

Agaasime Aadan Cabdillaahi Cabdalla, waxa uu sheegay inay Xukuumaddu sannadkan u qorshaysay la-dagaallanka muqadaraadka lacag dhan Boqol Kun oo Doollar oo lagaga hawlgali doono wacyigelinta ka hor-tagga isticmaalka maandooriyeyaasha iyo ka hawlgelista sidii loo cidhib-tiri lahaa daroogada, da’yartana looga dhawri lahaa amma ilaalin lahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker