Tacadi Buu Ku Yahay Dadweynaha Liisanka Wadida Gawaadhida Ee Cusub!

Waxaa muhiim ah in marka Xukumadu wax bedelayso la Waafajiyo shuruucda dalka u taala, iyadoo la eegaayo lana waafajinaayo duruufta Dhaqaale ee dalka Ka jirta Iyo waxay qaadi karaan Cashuur Bixiyeyaashu.
Waxaa dalka Ka jiray Liisanka gadiidka Oo casriya Oo Xukumadii Hore ee Siilaanyo hir Galisay oo casriyaysan Kaasoo Ahaa laf mudada Uu lisaan kaasi shaqaynaayona Ahayd SADEX SANO mudada Uu Ku dhacayii. Hadaba waxaa Umada filanwaa Ku noqotay Oo baryahan dambe Suuqa Ku Jirtay in Wasaarada Gaadiidku qorshaysay in dhami Driver Licenses yadii Hore dalka uga jiray la bedelaayo iyadoo laga rabo dhami Darawalada Somaliland inay Kan cusub qaataan.
Dadweynihii sitay Driver Licenses yadii Hore dhami Aay Imtixaanka Wadida gadiidka dib Looga Qaado iyadoo Aay dheertahay inay iibsadaan Bugaagta Calaamadaha Wadooyinka Oo qiimahoodu Yahay 10$ dabadeed Test Driving Hadana Laga Qaado.
Hadaba waxaa iswaydiin mudan intaanay Muwadiniintu baran Calaamadaha Wadooyinka gadiidka miyaanay Ka Horeyn in Wadooyinka Dalku Yeeshaan Calaamadihii?
Mida Labaad miyaanay ahayn Dhami muwadiniintii sidatay Driver Licenses yadii Hore ee Dhamaan fuliyay shuruucdii dalka u taalay ee Lagu qaadanaayay Driver Licenses yada ee Hore u buuxiyay shuruudaha, halkii Looga bedeli lahaa Sida sharcigu dhigaayo sababta Xuquuqdooda Sharciga Dowliga ah loo waafajin waayayo?
Hadii Xukumadii Cusub ee la doortaaba hodhanayso Wixii Hore waa Ka kac, miyaanay mudnayn in Muwadiniinta Cashuur Bixiyeyaasha ah Aanay mudnayn in loo Tudhoo waayahooda dhaqaalena Hoos loo Fiiriyo?
Arintani Maaha mid Umada Reer Somaliland Qaadi Karto, waxaanay Umadu Mudantahay in Xukuumadoodu Darren Iyo Daryeel Gaar ah siiso Lana socdaan Duruufahooda. Hadii Xukumadu Leedahay sifo qayrul Sharciya ayaa Driver Licenses Badani Ku baxeen, Waxay Leedahay Xukumadu in iyadu adkayso Nidaamka loo maraayo Qaadashada Driver Licenses yada markay bixinayaan Oo adkeeyaan. Malaha Xukuumadu Wixii Iyaga Nidaam Ahaan Iyo Farsamo Xumi uga Qaloocda in Umada Culays Aanay qaadi Karin Lagu raro.
Dhami Dadweynaha Sita Driver Licenses yadii Hore sharciyan in loo bedelo weeye marka Uu Ka Dhaco lakiin in mid cusub Oo Waliba lacagtii aad Loogu kordhiyay Hada qaata la yidhaa waa qayrul Sharci Sidaan Filaayo Waxaana muhiim ah in Baarlamaanka La mariyo.
ADEN DEEQ
aden-day@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker