Qormo xiise leh maxaad ka taqaan taariikhda qaramada midoobay (UN)

Qaramada Midoobay waxaa lagu bilaabay heshiiska 51 wadan, laakiin sanadii ka dambeeyay ururku wuu balaadhay waxaana maanta xubin ka ah 193 wadan. Qaramada Midoobay waxaa maanta fadhi u ah caasimada New York, wadanka Maraykanka, wuxuuna xafiisyo waawayn ku leeyahay meelo kale oo dunida ah, sida Xafiiska Janiifa (Geneva), xafiiska Nayroobi iyo xafiiska Fiyena (Vienna). Ururka waxaa maalgeliya dhaqaale qiimaysan oo uu ka helo wadanada xubnaha iyo deeq caalami ah oo ka soo gasha wadanada qaar, ganacsato iyo shirkado gaar loo leeyahay. Waxaana ka mid ah hadafka Ururka Qaramada Midoobay inuu ka shaqeeyo nabad caalami ah, amniga, ilaalinta xuquuqda aadamaha, daryeelka bulshooyinka iyo kobcinta dhaqaalaha, ilaalada deegaanka, fidinta gargaarka dagdaga ah ee meelaha ka dhacaan abaaro, musiibo dabiici ah iyo colaada. Wakhtigii uu socday Dagaalkii Labaad ee Aduunka ayaa madaxweyihii Maraykanka Franklin D. Roosevelt soo jeediyay in la aasaaso urur bedela Midowga Umadaha, waxaana la bilaabay qoritaanka Dastuurka Qaramad Midoobay ka dib markii la galay shirweyne dhacay intii u dhaxaysay Abril–Juun 1945; wuxuuna dastuurkani hirgalay bishii Oktoobar 1945, wakhtigaasi oo Qaramada Midoobay howl biloowday. Hadaba ujeedada iyo jiritaanka Qaramada Midoobay wuxuu shiki galay wakhtiyadii Dagaalka Qabow socday kaasi oo u dhexeeyay labo awoodood ee Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti iyo xuladadeeda. Si kastaba ha ahaatee ururku wuxuu kaalin libaax ka qaatey farogalintii “Dagaalkii Labada Kuuriya” iyo “Howlgaladii Koongo”. Xubnaha ururku aad ayay u koreen wixii ka dambeeyay sanadihii1960kii wakhtigaasi oo wadano badan xoriyada qaateen. Wixii ka dambeeyay Dagaalkii Qaboowa Ururka Qaramada Midoobay wuxuu bilaabay inuu talaabo milatari qaado kuwaasi oo isbedel la taaban karo ka gaadhay. Guud ahaan Qaramada Midoobay waxay ka kooban tahay lix waaxood: Golaha Sare (oo ah waaxda maamulka guud gacanta ku heysa); Golaha Amniga (waaxdani waxay go’aamisaa xalka amaanka iyo nabada); Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada (ECOSOC) (waaxdani waxay ku shaqo leedahay dhiirigelinta iyo horumarinta dhaqaalaha caalamka iyo horumarka bulshooyinka); Golaha Xoghaynta (waaxdani waa maamulka iyo soo ururinta akhbaarta iyo macluudka Ururka Qaramada Midoobay u baahan yahay); Maxkamada Cadaalada Caalamiga (sidoo kale loo yaqaano Maxkamada Aduunka, waa waaxda u qaabilsan cadaalada); iyo Golaha Kalsoonida (United Nations Trusteeship Council) midkaasi oon shaqaynin tan iyo 1994.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker