Maraykanka Oo Beeniyey In Ururka Taalibaan ay Soo Rideen Dayaaradii Ka Burburtay

Saraakiisha Milatariga ayaa Xaqiijiyay in mid ka mid ah Diyaaradahooda ay ku Burburtay gobolka Ghazni ee bariga Afghanistan isniintii Shalay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ayay ku Beeniyeen in diyaaradan ay soo rideen waxa ay ugu yeedheen cadowgooda.oo ay ula jeedaan Ururka Taalibaan.

Korneyl Sonny Leggett, ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaan la xidhiidha sababta ka danbeysa Burburka Diyaaradoooda , isaga oo meesha ka saaray in gantaal lagu soo riday.

Sarkaalkan ayaa dhanka kale ka Gaabsaday cillada ay u Aaneynayaan bururka diyaaradan oo nooceedu ahaa E-11A.

Ilaa iyo hada ma-cada tirada ciidanka saarnaa diyaarada burburtay.

Afhayeenka ururka Taalibaan Sabiixulaahi Mujaahid ayaa isniintii shalay xaqiijiyay in ciidankooda ay diyaarad nuuca dagaalka ah ay Mareykanka uga soo rideen gobolka Ghazni.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker