Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi ka Socda UNSOM.

Caasimadda Somaliland ayaa Maanta lagu soo dhaweeyay Wafdi uu Hogaaminayay wakiilka cusub ee Xafiiska UNSOM ee Arrimaha bina-aadam-nimadda Mr. Adam Abdul-mowla, oo soo gaadhay magaalada Hargaysa.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdirxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay wafti uu hoggaaminaayo wakiilka cusub ee Xafiiska UNSOM u qaabilsan dhinaca gar-gaarka bina-aadam-nimadda Mr. Adam Abdul-mowla.

Kulankani waxaa lagaga wada hadlay sidii xafiiska gar-gaarka ee UNSOM usii laban laabi lahaa Hawlaha gar-gaar ee uu ka waddo Somaliland.

Kulanka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu la qaatay wakiilka cusub ee Xafiiska UNSOM ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo xubno kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker