Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Aaska Marxuum Axmed-Yaasiin Xaaji Abu-site

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas ballaadhan oo xabaalaha Sheekh Cumar ee duleedka Caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site oo xalay geeriyooday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa Aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site kala qayb-galay shir-guddoonka golaha wakiillada, hoggaanka axsaabta qaranka, wasiirro, xildhibaanno, ganacsato iyo boqollaal kamid ah mudanta reer Somaliland, kuwaas oo marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelka iyo qaraabadana samir iyo Iimaan u rajeeyey.

Xubno kamid ah madaxda qaranka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday Xusuusta marxuumka iyo guud ahaanba qoyska reer Abu-site ee uu kasoo jeeday oo taariikh dheer ku leh Somaliland, waxana ay Eebbe uga rajeeyeen inuu jannooyinkiisa ku casuumo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa marxuumka ku tilmaamay haldoor ku dayasho mudnaa oo ka baxay bulshada reer Somaliland, islamarkaana safka hore kaga jirey ka qaybqaadashada arrimaha khayriga ah, isaga oo Eebbena uga baryey inuu janneeyo.

Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site, ayaa kamid ahaa dadka caanka ah ee reer Somaliland, isaga oo ka soo jeeday qoys taariikh dheer ku leh ganacsiga iyo arrimaha Khayriga ah ba.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Image may contain: 6 people, crowd and outdoor
Image may contain: 6 people, people standingImage may contain: 4 people, people standing, beard and outdoorImage may contain: 17 people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and beard

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker