BERBERI WAA MAGAALO CAYNKEE AH

Toddobaadkii tagay ee bishan Jan 2020,waxa aan booqasho gaaban ku tagay magaala madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, safarkayga oo ku wa jahnaa magaalooyinka ku dhereran xeebaha Jamhuuriyada Soomaaliland .
Haddaba intii aan ku sugnaa magaalada Berbera, waxa I soo jiitay dhismayaal qadiim ah oo ka dhisan magaalada kuwaas oo ka turjumaya Xadaarada iyo ilbaxnimada soo jireenka ah ee ku dheehan ama aad ka akhrisan kartid sooyaalka taariikheed ee faca-weyn ee ku gadaaman magaalad, kaas oo ina tusinaaya in ay magaaladu soo jirtay qarniyo badan.

Waxa I cajab galiyey dhaqamadii wanaagsanaa ee ay lahaayeen dadkiii hore ee ku noolaan jiray magaalada Berbera, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen marka sakad dhisma ah ba la jeexaba lagu xigsiinaayey dhismaha Masjid iyo malcaamad Qur`aan, taas oo ku tusinaysa in ay masaajidu isku jiraan 20 talaabo amaba wax ka yar ,waa arrin mucjisa ah oo cajiib ah,sidoo kale fooqaqa qadiimka ah ee gaboobay dushooda sare waxa aad ku arkaysaa dhismayaal yar-yar oo loo ekaysiiyey qaab Masaajid, kuwaas oo laysheegay in ay dadkii lahaa guryahaasi ay habeenkii ku cubaadaysan jireen , waxa aynu halkaa ka fahmi karnaa in ay dadkaasi ahaayeen dad ehlu diin ah. Waxa magaalada Berbera ku yaalla goobo badan oo taariikhi ah, sida Masjidka Turkigu dhisay oo aan ilaa iyo maantadan dhismihiisu duugoobin welina aanu isbadalin ee uu sidiisii uun uu yahay .

 

Berberi waa magaalo ganacsiyeed waxa ku taal Dekeda Soomaaliland ugu weyn iyo Madaarka Afrika ugu dheer, waxa mudooyinkii danbe la dayac tiray wadooyinka magaalada dhexmara , waxaana kor looqaaday bilicda magaalada iyadoo dhir iyo caws lagu beeray, waxaana lay sheegay in maayirka magaalada Cabdishakuur Maxamuud Cidin iyo bulshaduba ay kaalin mugleh ka qaateen hagaajinta deegaankooda. Waxa jir tahay in horumarka magaalada Berbera iyo gobalka saaxilba uu soo jiitay hadal haynta warbaahinta dalka .
In kastoo aannu la kulanay Duqa magaalada Berbera hadana noomay suurta galin in aanu weyddiino wax su`aala ah oo ku saabsan howlaha magaalada, waxaanu xilligaas ku mashquulsanaa Sarfay uu magaalada ka dhexsaaray iyo qan cinta dadkii wadada soo galay ee dhistay, xilligaa uu shaqada addag ku jiray , waxa uu u muuqday nin faraxsan oo dhoola cadaynaya oo dadkana si yar oo fudud u qancinaaya , waxa aaan arkaayey oo ay indhahaygu qabteen gabadh aad u cadhaysan oo lahayd dhisme aan ka hordhisay meheradayda ayaa aad dumisay sidee ay u dhici kartaa , markii ay ku qaylisay Maayirku muu xanaaqin ee isagoo dhoola cadaynaya oo waji furfuran ku eegaya gabadhii ayuu yidhi :- “ Gurigiina hebel berigii hore malahaa „
Markaas bay tidh : haaa
Markaas buu ugu jawaabay : meheradan laba jeer ayaa la raaba qaaday oo wadada la soo galiyey miyaanaan anagu berigii hore fadhiisan jirin .
Gabadhii waxa ay ku jawaabtay : yaa oo aan u fahmay in ay ku darsatay dhisme sharci dara ah oo aanay lahayn .

Qalinkii : Maxamed Muuse Cilmi
Bariise _77@hotmail.co
0634149171 Hargaysa Soomaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker