Maxaad ka ogtahay Qisooyinka laga Sameeyey labada Heesood ee HUD-HUD & HAATUF oo uu Sameeyey Abwaan Hadraawi?

Halkan waxa aanu idiinku soo tabinaynaa Sharraxaadda iyo faahfaahinta qisooyinka ay ku Yimaaddeen Laba Heesood oo uu curiyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

Waxa qisada soo tabinaya Abwaanka Midhaha sugaaneed ka sameeyey labadan Heesood ee Hud-hud iyo Haatuf oo ay kala qaadaan fannaaniinta Allah ha u naxariisto labadoodaba ee Maxamed Mooge Liibaan iyo Maxamed Saleebaan Tubeec.

Abwaanku waxa uu sheegay in laba heesood ku dul-allifay isla markaana ku dulsameeyey Qabriga Aabihii Jaceylka Soomaalida ee Cilmi Boodhari oo ku taala magaalada Berbera oo isaga iyo Abwaanno kale booqasho duco ah ugu tageen.

Sida abwaanku sheekada ku soo tabinayo, labada heesood midkood oo uu ku dul-sameeyey Xabaasha oo ah heesta Hud-hud, waxa uu kula hadlayaa Marxuum Cilmi-Boodhi, halka Heesta labaad ee Haatuf oo midhaheeda uu maalmo kaddib sameeyey uu ka dhigayo Cilmi-Boodhari oo u soo jawaabay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker