Daawo: Falanqaynta Ciyaaraha oo maanta Xiiso gaara leh

 

 

Xilligii carruurnimadiisa, Halyeygii xalay shilka diyaaradda ku geeriyooday ee Kobe Bryant waxa uu waddanka Talyaaniga ku ciyaari jiray kubadda cagta. Xattaa intii uu kubadda Kolayga ee NBA-da xiddiga weyn ka ahaa, marar badan ayuu ciyaaray kubadda cagta, waxaanay u ahayd mid uu xiiseeyo.

Waxa uu ahaa shaqsi ku xidhan ciyaaryahannada waaweyn ee kubadda cagta qaarkood, balse waxa jiray hal laacib oo xidhiidhkoodu uu aad u qoto dheeraa kaas oo markii uu xalay maqlay warka geerida Kobe Bryant garan waayey ereyadii uu ku cabbiri lahaa dareenkiisa murugada leh iyo sidii uu ugu tacsiyeyn lahaa qoyska uu ka geeriyooday Kobe.

Laacibkani waa xiddiga Barcelona ee Lionel Messi oo iyadoo ay da’diisu aad u yarayd uu waddanka Maraykanka isku baray halyeygii reer Brazil ee Ronaldinho oo waqtigaas ahaa qofka ay sida dhow iskugu xidhan yihiin Kobe Bryant.

Doodda sannadaha badan soo taagnayd ee ku saabsanayd midka wanaagsan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, waxay gaadhay heer uu Kobe Bryant kusoo biiro oo uu ereyadiisa ka yidhaahdo, laakiin sida ay dadka qaarkood u tilmaamaan hal laacib oo gaar ah isagu ma samaynin, waxaana uu si duur xul ah garab u siiyey labada ciyaartoy midkood.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker