Weriye Cabdisalaan Hereri oo Barnaamij ku Laffa-guray Horumarka Dekeda Berbera iyo Hiigsigeeda Mustaqbalka…

Weriyaha Ruug-caadaga Saxaafadeed ah Cabdisalan Hereri, ayaa Barnaamij dheer ka sameeyey Horumarka Ballaadan ee labadii sanadood ee u dambeeyey ay ku talaabsatay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera. Weriyaha ayaa Barnaamijkiisa kusoo qaatay isbedelka muuqda ee ka dhacay Marsada Berbera, isla markaana waxa uu dhinacyo kala duwan ku waraystay hawlwadeenada wax-yaha kala gedisan ee Dekedu ka kooban tahay, waxanu qof walbaa ka waraystay macluumaad ku saabsan shaqadiisa iyo weliba hiigsiga Dekeda, Weriye Cabdisalaan waxa uu Barnaamijkiisu daaha ka fayday xog ka daboolay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Haddaba Akhristayaal waxanu idiin soo gudbinaynaa qayb kamid ah Waraysigaas oo qoraala ah, Weriye Cabdisalaan Hereri, oo ka hawlgala Telefishanka Caalamiga ah ee Universal Tv, waxa uu ka sameeyey Horumarka Dekeda muuqaal ka badan saacad, hase-yeeshee waxaynu qoraalka kusoo qaadanaynaa Waraysi xaasaasiya oo dhex-maray Weriyaha iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu u dhacay sidan.

S. Maareeye Waxaad Xilka la wareegtay oo ahayd waqti-yar kaddib markii Shirkadda DP World ay la wareegtay hawlaha Dekeda Berbera, halkeebad wax ka bilowdeen.

“Mahadsanid Cabdisalaan, runtii Xiligaan xilka la wareegay waxay ahayd Sebtember 2017-kii, iyadoo 2016-kii bishiisi sadexaadna ay la wareegtay Shirkadda DP World, waxana waqtigaas ka horyimi shirkada caqabado badan, iyadoo mar kastaa markaa uu isbedel dhacaayo uu leeyahay dhibkiisa, waxaana isfahmi waayey Shirkadda oo ahayd mid Ajanebi ah iyo dadkii dekeda ka shaqaynaayey, waxana dhex-maray isfahmi waa iyo buuq, runtiina waxay ahayd waqti adag, Ilahaybaa mahad leh, wada-xaajood dhexmaray Shaqaalaha dekeda iyo Odayaasha dhaqanka ee gobolka, waxanu isla fahanay inaanu la shaqayno Shirkadda DP World, iyo DP World oo aanu fahansiinay dhaqanka ka jira Somaliland iyo Dekedaba, nasiib wanaag waqti yar kaddiba waanu isla jaan-qaadnay shaqaalaha Dekeda oo ah kuwo karaamo leh, masuuliyadda ay hayaana og, waxanu bilownay isfaham iyo wada-shaqayn, maadaama oo ay DP World maamusho qayb keliya Dekeda oo ah qaybta dejinta iyo rarista badeecadaha, markii horena loo sheegay dadka inay guud ahaan la wareegtay dekeda oo dhan, wallow dadku inyar-inyar u fahmeen runtii waanu isla jaan-qaadnay shaqaduna si wanaagsanbay u socotaa”.

S; Maareeye Markaad leedahay Shirkaddu waxay la wareegeen oo keliya qaybta Oboreeshinka ama Socodsiinta hawlaha Maxaad uga jeedda.

“Waxaan uga jeeda Keliya waxay DP World maamushaa Rogista iyo Dejinta, intaasna waxa la isku yidhaahdaa hawl-socodsiin, Dekeduna waxay ka kooban tahay qaybo badan, markaa intaa kaloo dhan waxa masuul ka ah, Haayadda Dekedaha Somaliland, waxaanan Maareeye ahaan masuul ka ahayd, Hayadaha Dekedaha Somaliland oo dhan, Saylac, Maydh iyo Deked kastoo uu yeesho qaranku, hadii aan u micneeyo dadweynaha qaybaha kale dekeddu ka kooban tahay waxa weeye, qaybta Mareeniska oo ah masuuliyaddii Badda, soo xidhista Maraakiibta iyo Furitaankooda, shuruucda Badda, waxa kaloo Somaliland ka masuul tahay Ururka Geelaha iyo guud ahaan Amniga Dekeda, iyo qaybaha kale la shaqeeya dekeda oo dhan sida ajaneda”.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalkoo dhamaystiran.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker