Gabadha Afrika Ugu Taajirsan Oo Dacwad Rasmi Ah Laga Gudbiyay

Isabel dos Santos, gabadha qaaradda Afrika ugu taajirsan aya laga gudbiyay dacwad rasmi ah oo ku aadan meesha ay ka keentay hantideeda balaayiinka dollar ah.

 

Dacwaddan ayaa timi kadib markii kooxaha war baadhaa ay soo heleen dhukumentiyo caddaynaya in heshiisyo badan oo madmadw uu jiro ay ka heshay malaayiin dollar oo lacag ah, xiligii uu gabadhan aabaheed madaxweynaha ka ahaa dalka Angola ee ku yaala badhtamaha qaaradda Afrika.

 

Isabel oo hantideedu hadda kor u dhaafayso $2billion ayaa ku nool magaalada London, waxayna beenisay dhammaan baadhitaanada lasoo bandhigay.

 

Xeer ilaalibta guud ee dalka Angola ayaa hadda dacwad rasmi ah ka gudbisay gabadhan oo 46-sanno jir ah, waxaana la bilaabyaa baadhitaano ku aadan heshiisyo ay hore u gashay xiligii ay madaxda la ahayd shirkadda dhanka shidaalka ee dalka Angola.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker