Fannaan DAA’UUD CALI MASXAF Oo geeriyooday

Wararka ka imanaya Gobolka Ismamaulka Soomaalida ayaa sheegaya inuu maanta uu magaalada Jigjiga ku geeriyooday Allaha u naxariistee fannaankii Daa’uud Cali Masxaf.

Mas’uul ka tirsan maamulka Soomaalida ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey geerida fannaan Daa’uud Cali Masxaf, oo ka mid ahaa hobolladii Waaberi.

Dhinaca kale, abwaan Cabdi Dhuux oo isna la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in Daa’uud uu qabay cudurka sonkorta, kaasi oo la rumeysan yahay inuu hadda u dhintay.

Cabdi Dhuux waxa uu sheegay in Daa’uud aan cudurkaas loo seexan isbital, balse u si lama filaan ah ugu geeriyooday.

Daa’uud Cali Masxaf ayaa ka mid ah dadka ugu horreeya ee Soomaalida marka ay noqoto garaacista gitaarka, oo aad looga dambeeyey, wuxuuna sidoo kale ahaa laxamiiste.

Waxaa sidoo kale uu luuqeeyey heeso caan, oo uu saaray laxano aad loo ammaanay, iyo kuwa kale oo uu laxanka saaray balse aanu ku luuqeyn.

Waxaa hadda fanaan ah wiilkiisa Saciid Daa’uud oo Muqdisho ku nool.

 

Illaa iyo hadda ma cadda qorshaha ehelkiisa iyo dowladda, ee ku aadan halka lagu aasi doono, iyo in Muqdisho la keeni doono iyo in kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker