Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha iyo Kulannadii Ugu Dambeeyay

kooxda kubadda Cagta ee  Arsenal ayaa ka Baqaysa inay lumiso labadeeda laacib ee Aubameyang oo ah xiddiga ugu goolasha badan naadiga xili ciyaareedkan iyo midkii horeba, kaas oo lala xidhiidhinayo Barcelona oo u doonaysa beddelka Luis Suarez oo dhaawac ka ah iyo da’yarka reer Brazil ee Gabriel Martinelli oo la sheegay in Real Madrid ay xiisanayso.

 

Martinelli oo ay da’diisu tahay 18 sannadood jir ayaa 21 ciyaarood oo uu u saftay Arsenal waxa uu u dhaliyey 10 gool, waxaanu buuxiyey booska uu ganaaxa kaga maqan yahay Aubameyang iyadoo uu ahaa laacibkii goolka layaabka leh u dhaliyey kulankii Chelsea ee sababta u noqday in kooxda reer London ay guul-darro ka badbaado.

 

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa doonaysa in Martinelli ay ku darto liiska xiddigaha reer Brazil ee garoonka Santiago Bernabeu ay ugu diyaarinayso inay hoggaamiyaan mustaqbalka, waxanay isku diyaarinaysaa inay ka gudbiso dalab 50 milyan oo Gini ah iyadoo mushahar waalli ahna u ballan-qaadaysa, taas oo u fududayn karta in Martinelli uu ka hanweynaado Emirates oo uu u dhaqaaqo Spain.

 

FALANQAYNTAAS CIYAARAHA OO DHAMAYSTIRAN HALKAN HOOSE KA DAAWO:

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker