Tirsan-maayo Uunkuu tirtirey (gabay)

Gabaygani wuxu ka waramayaa dhibaatada qaadka uu ku hayo bulshada soomaliyeed.
Runtii qaadku waa aafo ku habsatay umada somaliyeed kaas oo burburiyey dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, iyo dadnimada bulshada somaliyeed.

Qaadku wuxu kamid yahay waxyaabaha maanka dooriyaha (drugs) noocyadooda daran, aqoonyahanada kasmada saynisku sida ay sheegeen waxa ku jira maadooyin badan oo waxyeeleeya maskaxda iyo caafimaadka jidhka ee binu aadmiga.

Gabaygan waxa tiriyey cabdirisaaq axmed cigaal(darwiish) wuxu si dhaba u soo ban-bixinayaa dhibaatooyinka qaadka ee uu bulshaweyntu ka dhaxasho.

 

Gun iyo baar gabaygani waa waano umada uga digaya dibindaabyada qaadku bulshada ku hayo waxaanu yidhi:

Tixda gabay axmedoow waanigii buuni ku ahaaye
Indhawaydba waa taan ka guurey alifka weedhiiye
Axad noolba marku yeedhay ayaan keyga gaabsadaye
Ayaamahan maansadaydii ma odhan amarka weynayde
Wax i galayba mooyee xalaa la igu soo dagaye
Aduunyadan waayaha yaal ka badan awska geedaha ‘e
Ayaan noolba waxaad eegi wax aanad garanayne
Aniguna arimo aan diiday oo aada baa jiro’e
Oo ibtilo iyo iblays igaga daran eedaadka noloshuye
Alle meel daran ka tuur waa aafadaa qaadka ahe
Waa suntaa iblays ku muday kii aan caqliba lahayne
Waa kaa dadkaygii u badalay abuur aanad garanayne
Waa kaa arlaa’igii ka kiciyey omos iyo kulayle
Geyigii islaamkaba waa kaa u badalay ehel nasaaraade
Dariiqii asxaabaha waa kaa ka duway ehelu tawxiide
Waa kuwaa birta iska aslee madfac u ololaystay
Waa kuwaa akhyaartii caruurtii oohin isku daaray
Waa kuwaa asayda dumarkii u xidhee eberka u saaray
Waa kuwaa aayadihii diinta aad u fududaystay
Waa taa eexdii ku badatay geyiga aafo ku abuurtay
Waa kaa aqligoodii doorshee waali ku asqeeyey
Waa kuwaa orod salaadihii ku dhaafay amin iyo goore
Ardaygii waa kaas macalinkiis aan istixaynayne
Anshaxii waa kaa ka lumay edebta loo diidye
Afooyinkii qaaliga ahaa dunida aan joogno
Waa kaa guryahoodii ka eryee suuq isugu geeyey
Waa kuwaa ubadkii dayacay ubaxii reeraaye
Abtirsiimo maleh qaad iyo oday la sheegtaaye
Waa kii aduunkeen dhacay ee inaga caydheeyey
Ee eyro iyo geelba loo duubee eberka noo saaray
Waa kii abaalkeeb ba’shayee ina xushmayn waayey
Waa kii tacabkeenii ambiyey gabi ahaanteene
Waa kii ilmada inaga qubee oohin naga keenay
Ilaahay abuurtiisa iyo kuwii diiday amarkiisa
Iyaba axmadoow waa kuwii awlaxa u qaaday
Asaraar ma fiicnee runbaa lagu arooraaye
Aqli xumo kolbaa loo cabaa mur iyo alkoole
Hadii ay masiibada ogyihiin mawdka garab aalla
Oon xuskooda la doorin qaad kuma istareexeene
Tirsanmaayo uunkuu tirtirey iyo tu aan la sheegayne
Tixdoo keliya kuma ururin karo aafaduu yahaye
Diinteena asalka ah shantay aadka u adkaysay
Qaad waa kii aan ixtiraamin sida ehel najaasaade
Maalkuu u daran yahay caqligana waa is ilaawaane
Naftuu inkaar ku yahay haday anfaco kula ahaataye
Diintana eedankoo baxayabuu orod ku dhaafaaye
Akhlaaqduu dunnshaa sharafna kaa awdaaye
Ixsaankuu ka tagaa qofkii aad u qaayiba qaade
Amintuu lunshaa habeen iyo maalin waa u ololaaye
Axmedoow ninkaan edeb lahayn waa alllow sahale
Intaas oo dhibuu leeyahee wax idin tusaaleeyey.

 

Waxa Qorey:Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

Cabdirisaaqdarwiish72@Gmail.Com Ama 0634240189

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker