Dil La Sheegay inuu Ka Dhacay Duleedka Magaalada Boorama

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal   ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee  Somaliland.

 

Kooxo hubeysnaa Bastoolado ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in Askariga ay ku toogteen duleedka Magaalada Boorama xili uu halkaas ku sugnaa, isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana waxaa goobta kasoo qaadeen Meydka Askariga, iyagoona geeyay Xarunta Booliska Gobolka Awdal.

 

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxihii hubeysnaa ee falkaas ka dambeeyay goobta ay ka baxsadeen, waxaana intaas kadib halkaas laga sameeyay baaritaano kooban.

 

 

Ilaa iyo hada ma jir wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Booliska Somaliland ee ku sugan Magaalada Boorama oo ay uga hadlayaan dilka ka dhacay duleedka Magaaladaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker