Daawo Dad ku dhintay dabaaldeg diimeed ka socday Dalka Itoobiya

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay magaalada Gondar ee ku taal waqooyiga dalka Itoobiya halka ay ku dhaawacmeen 100 qof kaddib markii dadweyne ka qeybgalayay munaasabad diimeed uu kusoo dumay dhismihii ay munaasabadda ka socotay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeyso dhaqaatiir.

Goobtii ay munaasabadda ka socotay ay isu baddashay mid murugo leh, waxaana halkaas ka dhacay isbuurasho markii uu shilka dhacay.

Wararka qaar ee ka imaanayo magaalada Gondar waxay sheegayaan in tirada dhimashada ay gaartay ilaa 15 qof.

Waxaa magaaladaas buux dhaafiyay kumanaan shacab ah oo ka qeybgalayo munaasabad diimeedka ay madhabta kristaanka dalkaas ay ku leeyihiin halkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker